Xildhibaan Siciid Cartan Oo Ka Hadlay Sida Xal Loogu Heli Karo Saami-qaybsiga Kuraasta Wakiilada

0
546

Hargeysa (Geeska)-Xildhibaan Siciid Cartan Cismaan oo ah Xildhibaan ka tirsan Golaha Wakiilada Somaliland ayaa ka hadlay go’aan qaadashada saami qaybisga Wakiilada ee Gobolada, ee uu dhawaan Madaxweynuhu dib ugu soo celiyey Golaha Wakiilada, waxaanu sheegay in Golaha Wakiiladu aanu arintan Saami qaybiga kaligii go’aan ka gaadhi Karin, loona baahan yahay inay arintan iskaga yimaadan qaybaha ay khusayso oo dhami.

1

Xildhibaan Siciid Cartan Cismaan oo wareysi gaar ah siiyey Wargeyska Geeska Afrika ayaa sidoo kale sheegay in haddii la kala qaado Doorashooyinka Wakiilada iyo Madaxtooyada in wax dhib ah oo ku jiraa aanu jirin waxaanu  ugu horeyn hadalkiisi ku bilaabay sidan “Haddii uu Madaxweynuhu dib noogu soo celiyey arinta saami qaybsiga, maaha arin Golaha toos loogu soo riixaayo, mana aha arin Golaha Wakiiladu oo qudhi go’aan ka gaadhi karo, go’aana Goluhu arinkani si gaar ah ugama qaadan karo,  Goluhu waxa uu ka mid yahay Hay’addaha sharci dejinta ee arinkani quseeyo, waxaana rajaynayaa in arinka saami qaybsiga iyo xal u helistiisa ay iskaga yimadaan cid kasta oo ay khuseyso, walibana Madaxweynuhu iskugu yeedho,Shalay (Doraad), Sonsaf baa loo yeedhay wixii warbixin ah Madaxweynaha wey u gudbiyeen, sida aan filayana Madaxweynuhu wuxuu iskugu yeedhi doonaa Saddexda Xisbi, Shir gudoonka Golaha Wakiilada iyo waliba cid walba oo ay hawshani khuseeyso, waxaana filayaa in si wada jir ah loo soo saaro wax xal u noqda arinkan saami qaybsiga oo ilaa hadda waxba laga qaban, inkast oo Golaha Wakiiladu uu Gobolada dalka oo dhan maray isla markaana arinkan u kuurgalay, tabashada arinkan ku saabsana dhagaystay, xogona ka soo ururiyey, markaas anigu ka Xildhibaan ahaan waxaan ku talinayaa soona jeedinayaa in inta aan la gaadhin Doorashada in arintan wax laga qabto”.

Xildhibaan Siciid Cartan ayaa mar uu ka hadlaayey Doorashooyinka madaxtooyada iyo wakiilada oo la kala qaado waxa uu yidhi “Qasab maaha oo daruuri maaha in Doorashooyinka Wakiilada iyo Madaxtooyada mar la wada qabto, maxa yeelay anigu  waxaan qabaa in aanay is qaadi Karin, maxa yeelay haddii labadan doorasho la isa saaro culays badan ayey dalka ku keenayaan, maxa yeelay waxaynu nahay dal yar oo curdin ah, qabaa’iil ayey waxeenu dhinaca kaga xidhan yihin waxaana qabaa in haddii danta qaranka la eegayo in labadaas doorasho is qaadi Karin, haddii la kala qadana in aanu wax dhibi ku jiro”