Xildhibaan Saleban Cali Koore Oo Beeniyay Hadal Uu Yidhi Oo Uu Sheegay Inay Siyaasiyiintu Bedeleen

0
646

Hargeysa(Geeska)-Xildhibaan Saleban Cali Koore oo ka tirsan golaha wakiilada, kana mid ah siyaasiyiint gobalka Sool, ayaa beeniyay hadal uu hore u yidhi oo si khaldan loo turjumay kaas oo nuxurkiisu ahaa in siyaasad ahaan la dhex galo dadka deegaanka Buuhoodle, balse loo turjumay inuu soo jeediyay in ciidan ahaan la weeraro Buuhoodle.

Xildhibaan Koore, oo shalay saxaafadda la hadlay, wuxuu yidhi “Hadalkaasi wuxuu ahaa buuhoodle waxay madaxweyne u baahantahay in loo yeedho dadka oo aan siyaasad ahaan u dhex galno oo dabadeed dib u heshiisin la galno dadkaas, deegaanadii kale ee aan ka soo jeednay waxay ku jiraan xuduudka Somaliland, waxaan ka jira xurug siyaasadeed deegaanka buuhoodle, waxaan markaas madaxweynaha ka codsanay in si siyaasiyan arrintaas lagu dhex galo” ayuu yidhi, waxaanu intaas raaciyay “Dad baa waxay u arkeen saleban wuxuu yidhi hala weeraro, xaasha, maan odhan, mana odhan doono, af aan aqaanana maaha, dadka sharafta leh waxaan leeyahay waa hadal been abuur ah oo aan u bixiyay nin kubadda ku bartay labadan guri dhexdooda oo number 8; 9 iyo 10 goolasha halkan ka dhalin yaqaana ayaa hadaladaas iga turjumaya.”

Xildhibaanku wuxuu ugu dambayn yidhi “Markaas hadafkayga, dhaqankayga iyo maskaxdayda maaha inaan idhaahdo cid hala weeeraro ama hala dagaalamo, inta hadalkayga xumaysa waxaan leeyahay qof waloowba shakhsiyadaada ilaasho, anuu qarankaan waxaan u shaqaynayaa 26 sanno waanan wadayaa.”