Xildhibaan Qabile Oo Murashaxnimada Muuse Biixi Ku Tilmaamay Mid Uu Xaq U Leeyahay

0
547

ttHargeisa(Geeska)-Xildhibaan Maxamed Faarax Qabile, oo ka mid ah Xildhibaanada Golaha Wakiilada, ayaa ka hadlay Musharaxnimada Madaxweyne  ee uu ku dhawaaqay Guddoomiyaha Xisbiga Kulmiye Muuse Biixi Cabdi, waxaanu Xildhibaanku sheegay in Muuse xaq u leeyahay cidina aanay ka celin karin inuu isku soo sharaxo Musharaxnimada Madaxweynaha.

Xildhibaan Maxamed Faarax Qabile, oo u waramay Wargeyska Geeska Afrika ayaa yidhi “Anigu ma ihi Kulmiye, balse Guddoomiyaha Xisbiga Kulmiye Muuse Biixi Cabdi, waxa uu sheegay inuu yahay Musharax u tartamaya jagada Madaxweyne, Dastuurka ayaana siinaya, cid u diidi karta ama cid ka hor istaagi karta ma jirto”.

Xidhibaan Qabile oo hadalkiisa sii wata ayaa yidhi “Anigu difaaci maayo Muuse Biixi, balse xaq iyo xuquuq ayuu u leeyahay inuu han yeesho oo uu isa soo sharaxo, waxaana qaba in dadka iyagu ka soo hor jeestay ee leh isma sharixi karo, waa dad iyagu iska hadlay, oo xaqiiqada ka fog.”