Xildhibaan Nacnac Oo Siilaanyo Ka Difaacay Eeddo Uu Xildhibaan Kale U Soo Jeediyay

30
2428

Hargeysa(Geeska)-Xildhibaan Axmed Maxamed Diiriye (Nacnac) oo ka mid ah mudanayaasha golaha wakiillada Jamhuuriyadda Somaliland ayaa madaxweynihi hore silaanyo ka difaacay eeddo uu xildhibaan kale oo wakiilada ka tirsani u soo jeediyay oo ahaa in xukuumadiisii saxeexday wareejinta hawada.

Xildhibaan Nacanac ayaa waxa uu sheegay in aan waxba ka jirin in hawada Somaliland maamul keeda xukuumadda Mdaxweyne Siilaanyo ku wareejisay dawlada Soomaaliya.

Axmed Maxamed Diiriye oo arimahaasi ka hadlayayna waxa uu yidhi “Waxa aan doonayaa in aan ka jawaabo hadalo ka soo yeedhay xildhibaan Siciid Warsame Ismaaciil oo sheegay hadal aan munaasib ahayn oo uu ku ee deeyay xukuumaddii madaxweynihii hore ee Somaliland Axmed Maxamed Maxamuud Siilaanyo in ay ku wareejisay hawada Somaliland dawlada Soomaaliya, waxaana aan leeyahay waxba kama jiraan in hawada Somaliland xukuumadii Siilaanyo siisay dawlada Soomaaliya.”

Wuxuu intaas raaciyay  “Xildhibaankaasi wax aan jirin ayuu sheegay oo waxa uu meel kaga dhacay madaxweynihii hore ee Somaliland. Axmed Siilaanyo maaha nin wax laga sheegi karo, sababta oo ah waa Mujaahid dalkiisa u soo shaqeeyay, waana been oo hawo uu bixiyay majirto, Madaxweyne Muuse Biixi waan ku taageerayaa waxa fiican ee uu qabtay anigoo ka tirsan xisbiga Waddani. Madaxweynuhuna wax badan ayuu qabtay oo ay ka mid tahay DP World iyo xaaladda dalka oo meel wanaagsan maraya, miisaaniyad fiican baa dalka loo sameeyay oo kharash loogu daray macalimiinta iyo ciidamada, markaa waxaan leeyahay madaxweynuhu aad buu u wanaagsan yahay ee halkaas ha sii wado. ”

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here