Xildhibaan Nacnac Oo Ku Taliyay In Sheekh Aadan-Sune Loo Ogolaado In Qaliin Lagu Sameeyo

0
1301

Hargeysa (Geeska)-Xildhibaan Axmed Maxamed Diiriye (Nacnac), oo ka mid ah Xildhibaanada Golaha Wakiilada ayaa ka hadlay xaalada caafimaad ee Sheekh Aadan Sune, waxaanu sheegay inuu u baahan yahay in caafimaadkiisa iyo daweeyntiisa xil la iska saaro.

Xildhibaan Axmed Maxamed Diiriye (Nacnac), oo u waramay Wargeyska Geeska Afrika ayaa ugu horeyn hadalkiisi ku bilaabay “Ilayn waxba laguma hayste In la daweeyo, oo naftiisa la badbaadiyo oo la qalo xaq buu u leeyahay Sheekh Aadan Sune,kolay sida aan filayna hadda dhakhtarka ayaa la keenayaa oo waa la qalayaa,qof dhakhtar iyo qalitaan u baahana maaha in dib loogu celiyo jeelka, ee haddii la qalayaba dhakhtarka waa lagu ilaalinayaaya, maaha  Sheekhu qof ka baxsanaya.”

Wuxuu xildhibaan Nacnac ku baaqay in xil la iska saaro daawaynta Sheekh Aadan-sune oo uu ku dhacay bog dilaac, kaas oo baadhis loogu sameeyay mid ka mid ah cisbitaalada Hargeysa ka dib lagu celiyay jeelka Hargeysa.

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here