Xildhibaan Nacnac Oo Ku Taliyay In Boqor Buurmadow Sharciga La Mariyo

54
3965

Hargeysa (Geeska)-Xildhibaan Axmed Maxamed Diiriye (Nacnac), oo ka mid ah Xildhibaanada Golaha Wakiilada, ayaa Boqor Buurmadaw ku tilmaamay inuu yahay Qaran dumis, ka hor yimid qaranimada waxaanu xukuumadda ugu baaqay in sharciga la mariyo.

Xildhibaan Axmed Maxamed Diiriye (Nacnac), oo u waramay Wargeyska Geeska Afrika ayaa khalad ku tilmaamay in loo kala hiiliyo Inantii Muqdisho ka soo laabatay ee Saddexda Sanno lagu xukumay iyo Buurmadaw oo Puntland ka soo laabtay, waxaanu yidhi  “Buurmadaw waa qaran dumis, xaqna uma laha waxay labada Gole Baarlamaan ansixiyeen inuu yidhaahdo waan-waan baanu ka galaynaa, oo inta uu Puntland tago uu yidhaahdo nabada ha la ilaaliyo waan-waan baanu ka galaynaaye, oo Ciidamada ha la kala qaado, Deegaanka  aynu qabsanayna maaha xuduudeenii,ee waa Deegaan ka mid ah dalkana,  oo wali xuduudeenii wey inaga fog tahay, markaas Buurmadaw waa qaran dumis ee waa in la xidhaa”.

Xildhibaan Nacnac mar uu ka hadlaayey xukunkii saddexda sanno ee xadhiga ahaa lagu riday iyo hadalka Buurmadaw ayaa yidhi “Inanta waa la xukumay, ee Buurmadaw maxaa loo xukumi waayey, maxaa loo kala fadilayaa, xasaanad ma leh Buurmadaw madaama uu qaran dumis  noqday, qaranimadiina uu ka hor yimid, ee waa in gudaha lagu ridaa oo la xidhaa, madaama uu yidhi Tukaraq waan-waan ha laga galo oo Ciidamada ha la kala qaado, Madaxweynuhu haddii aanu la ogoyna waa in Buurmadaw sida ugu dhakhsaha badan loo xidhaa, oo Buurmadaw inanta la xidhay kama wanaagsane ee waa in la xidhaa”.

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here