Xildhibaan Nacnac Oo Ka Hadlay Saami-Qaybsiga Kuraasta Wakiillada, Dekedda Berbera Iyo Colaadda Bariga

0
481

Maxamed Diiriye (Nacnac), oo ka mid ah Xildhibaanada Golaha Wakiilada ayaa ku taliyey in la dhamaystiro tabashada saami-qaybsiga Gobolada ee Doorashada Wakiilada inta aan la gaadhin Doorashada, waxaanu sheegay in aanay dhibi ku jirin haddii la kala qaado Doorashooyinka Madaxtooyada iyo Wakiilada.

1

 Xildhibaan Axmed Maxamed Diiriye (Nacnac), oo wareysi gaar ah siiyey Wargeyska Geeska Afrika ayaa sidoo kale sheegay in cidii ka hor timaada horumarka Somaliland gaar ahaan heshiiska Dekadda Berbera inay tahay cid aan wadin danta Somaliland, dhinaca kalana Beelaha dagaalku ku dhexmaray Dharken-Geenyo ayaa uu ugu baaqay inay dagaalka joojiyaan, isaga oo arimahan ka hadlaya waxa uu yidhi "Madaxweynaha Somaliland wuxuu hore u sheegay in wakhtigii Doorashada aan wakhtina lagu daraynin, oo wakhtigii loo asteeyey ku qabsoomi doonto, haddii mar la wada qabto Doorashooyinka Madaxtooyada iyo Wakiiladu waa muhiim, haddii la kala qaado oo ay wakhti yar kala dambeeyana wax dhib ah oo ku jirta ma jirto, balse muhiimadu waxa weeye in inta aan la gaadhin Doorashooyinka in wax laga qabto tabashada saami-qaybsiga Gobolada ee kuraasta Golaha Wakiilada, oo ilaa hadda wax laga qabtay aanay jirin, waxa kale oo iyana daruuri ah in Diiwaangelinta la dhamaystiro, si Doorasho wanaagsani inoogu dhacdo".

Xildhibaan Nacnac oo ka hadlay heshiiska Dekadda Berbera ayaa yidhi "Haddii ay wax inoo soo kordhaan, waa in lagu farxaa ee maaha in laga naxo, Dekadda Berbera waa Dekadii Somaliland, oo dadka reer Somaliland oo dhan ayaa wada leh, markaas haddii horumar inoo soo kordhay oo Dekadeena la inoo balaadhinayo, heer caalamiyana la gaadhsiinayo dhaqaalena aad u badana inoo soo baxayo waa in lagu farxaa, laakiin cid kasta oo ka naxaysaa waxa aan u arkaa inay tahay cid lid ku ah qaranimada iyo horumarka dalka".

Xildhibaan Nacnac ayaa mar uu ka hadlaayey dagaalka ka dhacay Dharkeen-geeyo ayaa yidhi "Bil barakaysan ayeynu ku jirnaa, bil khayr qabta oo ah bishii Ramadaan ayeynu ku jirnaa albaabadii jannada oo dhan ayaa la furay , albaabadii naarta oo dhana waa la xidhay, markaas waxaan baaq nabadeed u soo jeedinaya Beelaha walaalaha ah ee dagaalku ku dhexmaray Deegaanka Dharkeen-geeyo, waxaan leeyahay colaada iyo dagaalka joojiya, oo nabada qaata, dagaal wiil baa ku dhintee wiil kuma dhasho, dagaalku khasaare mooye dheef ma leh, dhib mooye faa'iido ma leh, markaas nabada mar walba ogaada".