Xildhibaan Nacnac Oo Ka Hadlay Daynta 80-Ka Milyan Ee Dollar Ah

0
1131

Hargeysa (Geeska)-Xildhibaan Axmed Maxamed Diiriye (Nacnac), oo ka mid ah Xildhibanaada Golaha Wakiilada, ayaa ka hadlay daynta 80-million, ee hadda soo baxday ee la sheegay in Xukuumaddii hore ka tagtay.

Xildhibaan Axmed Maxamed Diiriye (Nacnac), oo wareysi gaar ah siiyey Wargeyska Geeska Afrika ayaa sidoo kale sheegay in Turkigu Somaliland ula dhaqmo sidii Maamul Goboleedada oo kale, waxaanu ugu horeyn uu yidhi isagoo ka hadaya dayntan la sheegay inay Xukuumaddii hore ka tagtay “Foojarka marka la sameeynayo waxaa uu soo maraa oo saxeexa waa Xisaabiyaha, waxaa sidoo kale saxeexa Wasiirka Maaliyadda, markaas Samsam Cabdi Aadan, waxay sheegtay in aanay wax dayn ah haba yaraate ka tagaynin, maantana waxaa soo baxday 80-milyan oo dayn ah oo Xukuumaddii hore ka tagtay, waxaan leeyahay kamay tagin dayntaas oo dhan, laakiin khalad baa jira, ee Barlamaan ahaan waxaanu leenahay Hanti-dhawruhu baadhitaan ha sameeyo, oo dayntani halkay ka timid, qaabka ay ku timid ha soo saaro, sidoo kale ha soo saaro qaabka ay ku baxeen foojarada la saxeexay iyo kuwa aan la saxeexinba,waliba waxaan Hanti-dhawraha leeyahay waa inaad soo saarta qaabka hantida umadda loo lunsaday, cidda magaca Dawladda ku lunsatay hantida umadda, iyo qaabka dayntani ku timid, Madaxweynahana waxaan leeyahay mar haddii Samsam Cabdi Aadan sheegtay inaan wax dayn ah ka tagin, Ina Xaashi oo ahaa Wasiirka Madaxtooyada ha la weydiiyo, dayntan 80-milyan ahi halkay ka timid, iyo qaabka loo isticmaalay”.

Xildihbaan Nacnac mar uu ka hadlaayey Turkiga ayaa yidhi “Itoobiya iyo Eratariya wey kala go’een, Masar iyo Suuriya wey kala go’aan, Suudan iyo Koonfurta Suudan wey kala go’een, sidaas ayey u kala go’een Somaliland iyo Somaliya, oo waliba markii hore isku biiray, sidaas awgeed Turkigu Somaliland wuxuu ulama dhaqmaa sidii Maamul Goboleed oo kale, haddii Safaaraddiisa ku taala dalkeena wax looga baahdo dadkeena aad buu u cadaadiya, sidaas  oo ay tahay wada hadalada dhex kama noqon karo ee Wadamo dhex ka noqon kara ha martigaliyaan, walibana waxaa dhab ah halka uu Somaliland uu ka cadaadiyo, Somaliya taageero laxaad leh ayuu la garab taagan yahay, kharashaad aad u badana uu siiya”

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here