Xildhibaan Nacnac Oo Guddiga Doorashooyinka Ugu Baaqay Inay Is Casilaan

3
366

Hargeysa (Geeska)-Xildhibaan Axmed Maxamed Diiriye (Nacnac), oo ka mid
ah Xildhibaanada Golaha Wakiilada, kana tirsan Xisbiga Mucaaradka ee
Waddani, ayaa sheegay in Komishanka Doorashooyinka looga baahan yahay
inay is casilaan, madaama uu tilmaamay in Xisbiyadii Mucaaradka ahaa
ay kalsoonidii kala noqdeen.

Xildhibaan Axmed Maxamed Diiriye (Nacnac), oo u waramay Wargeyska
Geeska Afrika ayaa sidoo kale sheegay in Barlamaanka sii joogayaan,
ilaa iyo inta laga helayo Barlamaan iyaga bedelo, oo la soo doortay,
waxaanu ugu horeyn uu yidhi “Sharci saxda ah waxaa weeye in ilaa inta
laga helayo Barlamaan la soo doortay, oo Sharci lagu soo doortay anaga
ayaa fadhiyeyna, sharci ayaana ku fadhiyeynaa, waana ceeb dal dhisan
in Barlamaankiisa sharci daro lagu sheego, ninkaas yidhina khalad buu
u yidhi, Doorashada oo dhacdana waxaa ka horeeya Saami-qaybsigii,
tirikoobkii baa ka horeeya, Dastuurkii oo la furo ayaa ka horeeya,
waayo waa in Beelaha darafyada saamigoodii la siiya, haddii kale
Beesha Dhexe ayuun baa kuraasta ugu badan mar walba helaya”.

Xildhibaan Nacnac mar uu ka hadlaayey Komishanka ayaa yidhi “Doorasho
lama qaban karo ilaa iyo Komishankani is casilaan, oo ay meesha iskaga
tagaan, haddii ay Komishankani dadka iyo dalkaba ka naxayaan, waxa u
wanaagsan inay is casilaan, maxaa yeelay Xisbiyadii Mucaaradka ahaa,
gaar ahaan Xisbigii kaalinta labaad ka galay Doorashada, ahaana
Xisbigii ugu codka badnaa marka laga yimaado Xisbiga Kulmiye, ayaa
kalsoonidii kala noqday Komishanka, sidoo kale Xisbiga, sidaas oo ay
tahay yey Doorasho u qabanayaan Komishankani, si Komishan kale oo
bedelo loo helo, hawshana loo dhaqaajiyo, waa inay Komishkani is
casilaan, xilalkana baneeyaan”.

 

3 COMMENTS

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.