Xildhibaan Naasir Oo Ka Hadlay Sida Uu U Arko Xilka Laga Qaaday, Markii Uu Soo Bandhigay Musuqmaasuq Iyo Hanti La Lunsaday

24
3495

Hargeysa (Geeska)-Guddoomiyaha Golaha Wakiilada Somaliland Baashe Maxamed Faarax, ayaa xilkii Guddoomiye-nimo ka qaaday Guddoomiyihii Guddida Ilaalinta Hantida Qaranka Xildhibaan Naasir Cali Shire oo dhawaan soo bandhigay fadeexad musuqmaasuq oo la xidhiidhay dhul ay xukuumadii hore ka iibisay shirkadda Dahab Shiil oo lacagtii ay bixisay madmadow ka muuqday.

Xildhibaan Naasir Cali Shire, oo saxaafadda shalay la hadlay ayaa yidhi “Runtii xilka qaadista layga qaaday guddoomiye nimadii gudida ilaalinta iyo dabgalka hantida qaranka waxaan u arkaa xilku waa meerto sunaha shaqada ayaana caynkaas ah, aniguna waxaan hore u sheegay inay soo socoto markaan arkay waxa meesha ka socdo, sidii aan ku fikiraayay ayaana dhacday runtii, markaas waxba uma arko.”

Xildhibaanka oo hadalkiisa sii wataa wuxuu yidhi “Waa nasiib daro, waxay nasiib daro ku tahay qaranka Somaliland  oo kumanaan iyo boqolaal ay u soo halgameen oo nabadaas aynu ku naaloonayno dad ayaa naftooda u soo huray, waxay ahayd dadkii soo gaadhay halkan inay sii anba qaadaan oo ay la yimaadaan caqligii ay dalkan horumar dhaqaale iyo mid dhinac walba ah ay ku gaadhsiin lahaayeen, laakiin hadaynu hantideena yar ee shilimaadka ah aynaan urursan karayn oo aynaan ka shaqaynayn sidii dalka loogu horumarin lahaa waa nasiib daro jirta, waxa nasiib daro kale ah dadka hantida lunsanayaa waa wax yar oo intii yarayd ayaa haysata intii badnayd .”

Xildhibaanku waxa uu talo u soo jeediyay guddoomiyaha golaha wakiilada Baashe Maxamed Faarax“Baashe waxaan ugu baaqayaa in aanu ku samayn curdan dhadhin ifafaalaha wanaagsan ee golahu uu ku dhaqmaayay  anaga iyo gudiyo kaleba aanu ku dhaqmaynay ee soo jiidatay indhaha dadka reer Somaliland kuwa qurbaa jooga iyo kuwa gudahaba ee u abuurtay rajo, waxaan leeyahay may ahyan sharaftiisa wax uu maanta goluhu magac ku yeeshay oo gidaar lagu jabiyay oo cid waliba ay ka hadlayso inuu is yidbhaahdo danbabas may ahayn.”

Shacabka reer Somaliland ayaa si weyn u soo dhaweeyay warbixinta musuqmaasuq ee ay guddiga golahani soo bandhigeen, laakiin waxa dad badan yaab ku noqotay in shirguddoonka golaha wakiiladu xildhibaankii guddiga guddoomiyaha u ahaa ugu abaalgudeen in xilka laga qaado, waxaana halkaas laga dareemayaa kala fogaanshaha dareenka shacabka iyo midka golaha wakiilada.

Dad badan oo reer Somaliland ah ayaa si weyn xil ka qaadista xildhibaan Naasir ugu faaqiday baraha bulshada, waxaana su’aalaha ugu badan ee ay isweydiinayeen ka mid ahaa golihii wakiiladu ma gole shacabku doortay oo danta guud ka shaqeeyaa mise waa gole dad gaar ah iyo shirkado u shaqeeya.

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here