Xildhibaan Muxumed Aw Axmed Oo Xukuumadda Ugu Baaqay Wax Ka Qabashada Sicir Bararka

0
660

Hargeysa (Geeska)-Guddoomiyaha Guddida Joogta ah ee Golaha Guurtida Muxumed Aw Axmed, ayaa ka hadlay sicir bararka, waxaanu Xukuumadda ugu baaqay in sida ugu dhakhsaha badan wax uga qabato, halka uu sidoo kale Ganacsatada ugu baaqay inay dadkooda u naxariistaan, oo ay u tudhaan, madaama bishii Ramadaan fooda inagu soo hayso.

Guddoomiyaha Guddida Joogta ah ee Golaha Guurtida Muxumed Aw Axmed, oo u waramaya Wargeyska Geeska Afrika ayaa sidoo kale Shacabka ugu baaqay inay lacagtooda isticmalaan, waxaanu ugu horeyn yidhi“Shacabka reer Somaliland sicir barar, abaar iyo dhibaatooyin baa iskugu xig xigay, waxaana ognahay in dalkeenu aanu ahayn dal ilaa hadda Ictiraaf haysta, mana ah dal aduunku caawiyo, oo lacag iyo doolar fara badani soo galo, adhigii xoogagu inaga soo galayeena waatan la joojiyey, ee waxaan leeyahay ma nihin jilb ka mid ah Mareykanka, ee dadku lacagtooda ha isticmaalan, oo xooga ha saaran, Ganacstadana waxaan kula talinayaa inay dadkooda  u tudhaan oo ay u naxariistaan, Dawladduna wixii tamarteeda ah wey wadaa, ee iyana ha dadaasho, oo wax alaale wixii ay ka qaban karto sicir bararkaas inay ka qabato ayaan u soo jeedinayaa, madaama ay bishii Ramadaan inoo soo galayso”.