Xildhibaan Masuuliyada Hawada Soomaaliya La Wareegtay Dusha Ka Saaray Xukuumadii Hore

0
1198

Hargeysa (Geeska)-Xildhibaan Xasan Muuse Hufane oo ka mid ah Xildhibaanada Wakiilada, kana tirsan Xisbiga Waddani, ayaa ka hadlay dhulka raasiga Dekadda Berbera, ee uu Madaxweynuhu joojiyey, waxaanu sheegay inuu soo dhaweeynayo in dhulkaas oo dad gaar ah Xukuumaddii hore siisay in la joojiyo, madaama uu sheegay inay Dekaddu leedahay, waxaanu ku taliyey in laga daba tago hantida qaranka ee umaddu wada leedahay ee iyana lagu bixiyey sifo sharci daro.

Xildhibaan Xasan Muuse Hufane, oo u waramay Wargeyska Geeska Afrika ayaa sidoo kale sheegay in Maamulka Hawada ee Somaliya lagu wareejiyey inay keentay dayacaad iyo masuuliyad daro ka timid Xukuumaddii hore, waxa kale oo uu ka hadlay Wasiirka Qorsheynta Somaliya, oo uu sheegay in Gobolka Sanaag uu yimid, waxaanu ugu horeyn yidhi “Raasigu waa dhulkii Dekadda, in la joojiyana waan soo dhaweeynayaa, hantida umaddana wixii hadhay in la badbaadiyo, ayaan soo jeedinayaa, oo hantida qaranka ee umaddu leedahay ee aan sifo shaciya ku bixin in laga daba tago, sida raasiga looga daba tagay ayaan ku baaqi lahaa, Dhulka Raasiga oo ay Dekaddu leedahayna inay dad gaar ahi qaataan wax macquul ah maaha, markaas aad baanu u soo dhaweeynaynaa talabadda uu Madaxweynuhu ku joojiyey”.

Xildhibaan Hufane mar uu ka hadlaayey maamulka hawada ayaa yidhi “Xukuumaddii hore iyada ayaa wada hadalo la furtay Somaliya, marar badana wey ka hadashay in Somaliland iyo Somaliya ay Maamulka Hawada wada maamulayaan, in Maamulka Hawadeena Xamar loo wareejiyo waxa masuuliyadeeda iska leh Xukuumaddii hore, oo iyadu dayacday”

Xildhibaan Hufane mar uu ka hadlaayey Wasiirka Qorsheynta Somaliya oo dalka yimid, ayaa yidhi “Waxaynu ognahay in Wasiir ka mid ah Wasiiradda Xamar, gaar ahaan Wasiirka Qorsheynta inuu dalka joogo, gaar ahaan Gobolka Sanaag, ilaa haddana Xukuumaddu kamay hadal, waxaana leeyahay Xukuumaddu wey ku fashilantay, Xukuumaddani waxay ka dhalatay Xisbiga Kulmiye, ee haddii hore loo odhan jiray Xisbiga Waddani Xamar buu ku socdaa, maanta waa la arkayaa Wasiirka Somaliya ee dalka jooga, ee xuduudeenii soo galay iyo cida ku fashilan ee ilaa hadda ka hadli la’a”.

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here