Xildhibaan Kulmiye Ah Oo Sheegay In Aanu Madaxweynuhu Muddo Kordhin Diyaar U Ahayn, Wada Hadallada Turkiguna Waqti Lumis Yihiin

0
792

Hargeysa (Geeska)-Xildhibaan Siciid Cartan Cismaan  oo ka mid ah mudanayaasha golaha wakiilada somaliland kana tirsan xisbiga muxaafidka ah ee Kulmiye ayaa sheegay in madaxweynaha iyo xisbiga Kulmiye-ba ay diyaar u yihiin inay doorashooyinka wakhtigooda ku qabtaan, waxaanu fariin u diray xisbiyada mucaaridka ah.

1

Xildhibaan Siciid Cartan Cismaan oo wareysi gaar ah siiyey Wargeyska Geeska Afrika ayaa sheegay inaan madaxweynaha iyo xisbiga Kulmiye midna diyaar u ahayn mudo kordhin loo sameeyo xukuumada waxaanu yidhi “Madaxweynuhu marar badan buu sheegay inay Doorashadu wakhtigeedii ku dhacayso, Xisbiguna mawqifkiisa  wuu cadeeyey,   Madaxweynuhuna uma diyaarsana muddo kordhin dambe oo loo sameeyo, Xisbiga Kulmiye-na mawqifkiisa iyo Siyaasadiisa kuma jirto muddo kordhin  ee qolada Mucaaradka waxaan leeyahay dhaliisha aan waxba ka jirin iyo baqdinta iska daaya  oo Doorashada  isku diyaariya".

Xildhibaan Siciid Cartan mar uu ka hadlaayey Saami qaybsiga kuraasta golaha wakiilada waxa uu yidhi “Arinka saami qaybsigu waa arin qaran, sadexda xisbina waxay soo saareen go,aan ah inay madaxweynaha dib ugu celiyaan, waxaana lagu shaqayn doonaa go,aanka madaxweynuhu soo saaro.”

sidoo kale sheegay in wada hadalada Somaliland iyo Somaliya ee Turkigu dhex dhexaadinayaa aanay waxba uga soo kordhayn somaliland balse ay yihiin kuwo wakhti lumis ah waxaanu yidhi “Wada hadalada  somaliland iyo somaliya ee Turkigu wadaa wax midho dhalaya maaha, waxaanan anigu u arkaa  wakhti lumis, wax macno ah oo uu dhalayaana ma jirto.”