Xildhibaan Kijaandhe Oo Si Adg U Dhaliilay Wasiir Sacad Cali Shire, Soona Dhaweeyay In Samaale Mar Kale Ku Soo Noqdo Saaxadda Xisbiga KULMIYE

0
510

Hargeysa (Geeska)-Guddoomiyaha Guddida Arrimaha Dibadda ee Golaha Wakiilada Xildhibaan Axmed Cabdi Kijaandhe ayaa sheegay in Xukuumaddani aanay fahansayn doorka uu Baarlamaanku ku leeyahay Siyaasada Arrimaha Dibadda iyo Ictiraaf raadinta, waxaanu sheegay in siyaasadii arrimaha dibaddu ay ku jirto shandada gacanta ee Wasiirka khaarajiga Dr. Sacad Cali Shire.

1

Guddoomiyaha Guddida Arrimaha Dibadda ee Golaha Wakiilada Xildhibaan Axmed Cabdi Kijaandhe  oo Wargeyska Geeska Afrika u waramay ayaa sidoo kale ka hadlay ku soo laabashada Xisbiga Kulmiye ee Cabdicasiis Samaale oo ay ka wada tirsanaayeen Isbahaysiga kulmiye, isla markaana ay ka mid ahaayeen murashixiintii madaxweyne ee qaadacay shirkii KULMIYE ee golaha dhexe.

Xildhibaan Kijaandhe oo ugu horayn ka hadlaya siyaasadda arrimaha dibadda Somaliland wuxuu yidhi  “Xukuumaddan maanta jirta mid baanay fahansanayn, cid kasta oo doonaysa in Siyaasada Arrimaha Dibadda wax laga bedelo waxa wax ka bedelayaa waa Baarlamaanka, Xukuumadduna ma fahansana in Barlamaanku door ku leeyahay Siyaasada Arrimaha Dibadda, waxaanu doonaynaa in aanu xoojino sida ay Somaliland u heli lahayd Aqoonsi, balse dhibaatooyinka na haysta waxa ka mid ah in aanaan lahayn Miisaaniyada aanu arimahaas kaga shaqayno, Guddiyaduna ma leh Misaaniyad”.

Xildhibaan Kijaandhe mar uu ka hadlaayey Siyaasada Arrimaha Dibadda ayaa yidhi “Wasaaradda Arrimaha Dibadda Somaliland sida ay u shaqaynayso kuma faraxsani, ninka Wasiirka Arrimaha Dibadda ayey shandadiisa ku jirtaa Wasaaraddu, Siyaasada Arrimaha Dibadda ayuu bari dhawayd noo keenay, waan akhriyey, aad iyo aad baan u saluugsanahay, waxaan doonaynaa in aanu ku darno waxaanu ka qabno, waxaanu u baahnayn in aanu naaqishno tii uu soo dhigay Wasiirka Arrimaha Dibaddu in aanu ka wada tashano oo aanu naaqishno ayaanu doonaynay laakiin marna wuu sii socdaa marna wuu soo socdaa”.

Xildhibaan Kijaandhe mar uu ka hadlaayey sida uu arko in Cabdicasiis Samaale dib ugu soo laabto Xisbiga Kulmiye ayaa yidhi “Cabdicasiis Samaale Waanu soo dhawaynaynaa, hankiisa Musharaxnimo muu suurtagalin, inuu Xisbigiisa ku soo noqdo waan taageersanahay, aniguna waa sidaan yeelay, Siyaasadu marna way kaa murkacanaysa marna way kuu hagaagaysa, marka haddii ay Siyaasadu Cabdicasiis Samaale ka murkacatay Muuse-na u hagaagtay waxay ila tahay inuu Muuse la shaqaynayo, aniguna waan la shaqaynayaa, xidhiidh wanaagsan ayaana naga dhaxeeya Samaale, waana wada shaqaynay”.

Xildhibaan Axmed Cabdi Kijaandhe ayaa sidoo kale sheegay in Xisbiga Kulmiye wali laga taageersan yahay beesha uu ka soo jeedo, waxaanu rajo wanaagsan ka muujiyey inuu cod ka helayo, waxa kale oo uu ka hadlay hadalkii dhawaan ka soo yeedhay Safiirka Turkiga ee Somaliya, waxaanu sheegay in Safiirkani uu ku hadlay hadal aan marnaba suurtagal ahayn, waxaanu tilmaamay in Somaliland tahay qaran madax banaan, oo gobinimadiisi dib ula soo noqday.