Xildhibaan Kijaandhe Oo Golaha Siiyay Warbixin Ku Saabsan Arrimaha Bulshada

0
597

 

DSC08856Hargaysa(Geeska)-Gudoomiyha guddida arimaha bulshada ee golaha wakiilada Somaliland xildhibaan Axmed Cabdi Nuur (Kijaandhe) ayaa waxa uu golaha wakiilada warbixin ka siiyayay shalay xaalka arimaha bulshada isaga oo golaha ka hor sheegay in wadanka shantii sano ee u danbaysay sare u kac uu ku yimi dhanka waxbarashada iyo caafimaadka, waxaanu hay’adaha wadanka ka shaqeeya uu sheegay in aanay inta badan waxyaabaha ay qabtaan aanay ka turjumin baahida ay qabaan bulshada Somaliland.

Fadhigan uu yeeshay golaha wakiilada ee Somaliland waxa shirgudoominayay gudoomiye ku xigeenka koowaad ee golaha wakiilada Cabdicasiis Maxamed Samaale, waxaana fadhigan goluhu uu warbixino kaga dhagaystay guddida arimaha dibada iyo guddida arimaha bulshada.

Ugu horayn xildhibaan Axmed Cabdi Nuur Kijaandhe isaga oo ka hadlaya heerka waxbarasho ee Somaliland waxa uu yidhi “ carruurta gaadhay da’da waxbarsho ee wadankeena waxa lagu qiyaasaa 800,000  ( Sideed boqol oo kun ), waxaana waxbarsho hela ku dhawaad afar boqol oo kun, waxaanay noqonaysaa 49% ( Boqolkiiba afartan iyo sagaal) runtiina wadanka  2006 caruurta gaadhay da’da waxbarasha waxa heli jiray waxbarasho 34% ( boqolkiiba Sodan iyo afar) waanad garan kartaan inta u dhaxaysa, sare u kac wayn ee ku yimid heerka caruurta waxbarshada. Wakhtigan bilaashka laga dhigay dugusiyada hoose dhexe waxaa laga yaabaa inay sare u kac balaadhani ku yimaado.”

Waxa kale oo uu xildhbaan Kijaandhe ka hadlay tirada dugsiyada hoose dhaxe, kuwa sare iyo kuwa farsamooyinka ee Somaliland ka jira, isaga oo arimhaasi ka hadlayana waxa uu yidhi “Wadankeena waxa ku yaala 400 oo dugsi hoose, 30 dugsi sare iyo laba dugsi oo lagu  dhigto farsamda gacanta, waxaynu u baahanahay dugsiyada farsamda gacanta in la badiyo si shaqo abuurid loo sameeyo, waxaan garan karnaa in hay’addaha oo inta badan caawiya wasaaradda waxbarashadu in aanay danayn wax yaabaha baahiyaheena ah. Halkii fasal Somaliland marka cel celis la sameeyo waxa fadhiya 42 Arday, waxaana 35 ardayba ku soo beegmaya hal macalin, markaa waxaynu baahi wayn u qabnaa macalimiinta iyo dugsiyadaba in wax lagu kordhiyo”

Gudoomiyaha guddida arimaha bulshadu waxa uu si wayn u amaanay talaabooyinka wax ku oolka ah ee ay xukumaadu miisaniyada ugu kordhisay wasaarada waxbarashada.