Xildhibaan Ka Tirsan Wakiilada, Oo Dhammaan Xildhibaanada Ay Isku Golaha Yihiin Ugu Baaqay Inay Is Wada Casilaan

37
3851

Hargeysa (Geeska)-Xildhibaan Xuseen Maxamed Cige, oo ka tirsan Xildhibaanada Golaha Wakiilada, ayaa Xildhibaanada ay isku golaha yihiiin ugu baaqay inay si wada jir ah iska casilaan, oo ay kuraasta Golaha u wada baneeyaan, madaama uu xusay in mar kale u muuqato Doorashada Wakiiladu inay dib u dhacayso.

Xildhibaan Xuseen Maxamed Cige, oo u waramay Wargeyska Geeska Afrika ayaa sidoo kale Xukuumadda Somaliland ugu baaqay inay xil dheerad ah iska saarto sugida amaanka, waxaanu ku taliyey in aad looga feejignaado fidno iyo dhibaatooyin dhaca, waxaanu ugu horeyn uu yidhi “13 sanno iyo dheeraad ayaanu kuraasta Golaha ku fadhinay, imikana waxay u muuqataa in aanu sii fadhiyeyno oo ay Doorashadu dib u dhacayso, runtiina dhaxal umaanu helin in aanu kuraasta ku sii fadhino, ee Xildhibaanada aanu isku golaha nahay, waxaan leeyahay inagoo isku duuban, aynu ka wada tagno Golaha, oo aynu is wada casilno, isla markaana aynu u wada tanaasulno dadka iyagu leh hanka ah inay isa soo sharaxaan, oo ay kuraastan ku fadhiistaan, ilaa haddana ujeedo ayey Xukuumaddu ka damacsan tahay inay Doorashada Wakiiladu dib u dhacdo,wakhtigii Doorashadana waa la soo gudaba galay, umana muuqato inay wakhtigeedii ku dhacayso”.

Xildhibaan Xuseen mar uu ka hadlaayey Komishanka ayaa yidhi “Dalku waa dal Dimuqraadiyada, oo leh nidaamka Axsaabta badan, markaas mar haddii ay saddex Xisbi qaran, laba ka mid ah Xisbiyadu aanay ku kalsoonayn Komishankan, waxaa wacan in la bedelo oo la kala diro, mana haboona inay Xukuumaddu isku sii dhajiso, madaama cidda la dhex-dhexaadinayaa ay yihiin Xisbiyada, cidda dhex-dhexaadinaysaana uu yahay Komishanka, waa in la dhegaystaa cabashada Xisbiyada, maxaa yeelay Daahir Rayaale iyo Axmed Siillaanyaba wey hore ayey u bedeleen”.

Xildhibaan Xuseen isagoo Xukuumadda baaq u diraaya ayaa yidhi “Laba Reer oo walaalo ah oo meel wada dega oo xidid iyo xigaalba isku ah, inay dhexdooda colaadi soo gasho, ma wanaagsana, labadaas Beelood ee Gobolka Sool, waa inay deg deg u heshiyaan, Xukuumadduna waa inay si deg deg ah wax uga qabato wax kasta oo amaan daro keenaya, waana inay awoodeeda isticmaasha, arintan ka dhacday Ceel-afweyna, aad iyo aad baan uga xumahay, waxaana leeyahay labada reer ee heshiiskooda meel walba looga soo gurmaday, ka digtoonada in dhib dambe idinka dhex dhaco, Xukuumadduna waa inay waajibkeeda ka gudata, oo cidda geystay dhagarta ay soo qabataa”

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here