Xildhibaan Ka Tirsan Baarlamaanka Soomaaliya Oo Sheegay In Farmaajo Lacag Badan Ku Bixiyay Burburinta Somaliland

0
1099

Hargeysa(Geeska)-Xildhibaan ka tirsan Baarlamaanka dalka Soomaaliya, ayaa sheegay in Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Farmaajo uu lacag badan ku bixiyay burburinta Jamhuuriyadda Somaliland.

Xildhibaan Cabdillaahi Maxamed Nuur, oo ahaa xoghayaha guddiga maaliyadda ee golaha shacabka Soomaaliya, wuxuu hadalkan ka sheegay barnaamin dood ah oo uu kaga qayb galay telefishanka Universal, waxaanu sheegay inuu hayo cadaymo badan oo uu xataa weriyaha ka dalbaday in goobtii uu ka hadlayay uu ku soo bandhigi karo haddii loo baahdo.

Waxa kale oo uu sheegay in Farmaajo uu lacago badan ku bixiyay burburinta maamul goboleedyada Soomaaliya ee Puntland, Jubaland iyo Koonfur Galbeed, waxaanu xildhibaan Nuur yidhi   “Waxaan xoghaye ka ahaa guddiga maaliyada ee golaha shacabka markaas xogogaal ayaan u nahay wixii dhaqaale dalka yimaada iyo sida loo mamaulay iyo halkay ku baxeen.” Waxaanu intaas raaciyay xildhibaanku “Waxa nasiib darro ah lacagahaas intooda badan in loo isticmaalay burburinta maamul goboleedyada haba u badnaadeen Somaliland.”

Xildhibaanku wuxuu sheegay in Madaxweynaha Soomaaliya uu doonayay in inta badan ee lacagahaas lagu burburiyo Somaliland, “Waxaan haynaa lacago aad u faro badan oo lagu bixiyay iyo ciddii ka qaaday qasnada dhexe oo loo adeegasday dhammaantood sida Puntland, Jubaland, Koonfur Galbeed. Waloow  dhaqaalaha u badan lagu bixiyay Somaliland.” Ayuu yidhi.

Weriyihii doodda hagayay ayaa xildhibaanka weydiiyay inuu hayo cadyamo ku saabsan eedaymahan waxaanu yidhi xildhibaanku “Dad masuuliyiin ah oo waaweyn ayaan nahay hadaad u baahantahay hadaan kula wadagi karnaa Telefishanka ayaan kaala wadaagi karaa.”

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here