Xildhibaan Ka Tirsan Baarlamaanka Ingiriiska Oo Dawladiisa Ugu Baaqay Inay Horseed Ka Noqoto Aqoonsiga Qaddiyadda Madaxbanaanida Somaliland

0
70423

Hargeysa(Geeska)-Xildhibaan Mathew Offord oo ka tirsan Baarlamaanka dalka Ingiriiska, ayaa dawladda dalkiisa ugu baaqay inay horseed ka noqoto aqoonsiga qaddiyadda madaxbanaanida Somaliland.

Xildhibaan Mathew, wuxuu dawladda dalkiisa u soo jeediyay inay Qaramada Midoobay u gudbiso dalab ay ku weydiisanayso aqoonsiga Somaliland, “Waxaan jecelahay in dawladda Ingirisku ay horseed ka noqoto si ay Qaramada Midoobay Somaliland ugu aqoonsato dal madaxbanaan oo xuquuqdiisa leh.” Ayuu yidhi Xildhibaan Mathew, waxaanu intaas raaciyay “Waana inay sidoo kale xubnaha kale ee Baarlamaanka u sharaxdaa inay fursad weyn u tahay Ingiriiska, ka dib ka bixitaankii Midowga Yurub inay xidhiidho la samaysato dalalka Bariga Afrika, waana dal weyn oo leh mustaqbal wanaagsan.”

Xildhibaanku, wuxuu sheegay in maalgashiga DP world ee dekedda Berbera uu fursad u yahay Somaliland iyo sidoo kale gobalka Geeska Afrika oo dhan, waxaanu sidoo kale sheegay in horumar dhaqaale oo Somaliland ka hirgalaa uu faa’iido iyo fursad u leeyahay shirkadaha Ingiriiska iyo qurbe joogta Somaliland ee degen dalkaas Ingiriiska.

Laakiin xukuumadaha kala dambeeyay ee dalka Ingiriiska ayaa aqoonsiga qadiyada Somaliland waxa ay ku riixaan inay horseed ka noqdaan dalalka gobalka Geeska Afrika iyo wada hadal ay qaddiyadan heshiis kaga gaadhaan Soomaalida dhexdeedu.

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here