Xildhibaan Ka Hadlay Qaddiyada Saami-qaybsiga Kuraasta Wakiilada

0
578

Hargeysa (Geeska)-Xildhibaan Maxamuud Ismaaciil Xasan oo ka tirsan Xildhibaanada Golaha Wakiilada ayaa ka hadlay Saami qaybsiga, waxaanu sheegay in aanay haboonayn suurtagalna aanay ahayn sida hadda loo wado saami qaybsiga, waxaanu sheegay in in aanu Gobolna diyaar u ahayn in wax laga jaro, balse ay haboon tahay in saami qaybsiga lagu saleeyo Diiwaangelinta cod bixiyayaasha ee Gobolada. 

1

Xildhibaan Maxamuud Ismaaciil Xasan oo wareysi gaar ah siiyey Wargeyska Geeska Afrika ayaa yidh “Aad ayaa looga habsaamay saami qaybsiga, in mar hore la gudo galo oo wax ha laga qabto ayey ahayd, waxa la yidhi Doorashadii hore Doorashadan aynu ku galno qaabkan, balse Doorashada soo socota aynu wax ka bedelano, ilaa haddana waxba laga bedelin sida wax loo wadana ima muuqato in wax laga bedelayo, waan jecel ahay runtii in is bedel dhaco oo qaabka ugu haboon wax looga bedelo Saami qaybsiga, laakiin iyadoo Doorashooyinkii fooda inoo soo saaran yihiin sankana inagu soo hayaan ilama ah in laga gaadhsiinayo in wax laga qabto, waxaana talo ahaan anigu ku soo jeedin lahaa Doorashada Wakiilada doorkan ha lagu saleeyo Diiwaangelinta cod bixiyayaasha, oo Gobol walba inta dad ee uu helay lagu saleeyo kuraasta Wakiilada, maxa yeelay maanta Gobolna ma doonayo in wax laga jaro in wax loo kordhiyo mooye, markaas haddii Diiwaangelintaas lagu gali waayo waxaan talo ahaan ku soo jeedin lahaa in lagu galo qaabkii hore, oo wixii hadda ka dambeeyo ha laga sii baaran dago oo ha laga sii tabaabushaysto, si aanay dib tan oo kale inoogu dhicin”.