Xildhibaan Ka Dayriyay Xaalada Dadka Reer Widh-widh

0
576

Hargeysa (Geeska)-Xildhibaan Cabdixakiim Cumar Faarax Budeeye, oo ka mid ah Xildhibaanada Golaha Guurtida, ayaa ka dayriyey, xaalada nololeed ee ay ku sugan yihiin dadka degan deegaanada hoos yimaada Degmada Widh-widh, waxaanu sheegay in dadka degan deegaanadani ay soo waajahaday xaalad biyo yaraan, cunto yaraan iyo waliba xanuunka shuban biyoodka oo ka dilaacay.

Xildhibaan Cabdixakiim Cumar Faarax Budeeye, oo Wargeyska Geeska Afrika ugu waramaya isagoo ku sugan Degmada Widh-widh, ayaa sidoo kale sheegay inuu maray Tuulooyin badan oo hoos yimaada Degmadan, isla markaana uu sheegay in muddo lix bilood ah in aanay Xukuumadda iyo Guddidu abaaruhu wax gurmad ah la soo gaadhin, waxaanu yidhi “Waxaan safar ku tagay Degmada Widh-widhi, waxaana soo maray dhawr iyo toban Tuulo oo hoos yimaada Degmada, Tuulooyinkaas iyo Degaanadaasba waxaan ku soo arkay, dad aad u dhiban, oo abaartii jilicisay, oo aan biyo haysan, oo cunto aan ku filan haysan, oo waliba imikana xanuuno ugu darsameen, gaar ahaan shuban biyoodka, oo dad badan, ku dhacay, waxayna dadkani ii sheegeen in muddo lix bilood ah aanay arag Guddida Abaaraha iyo Xukuumaddaba, oo aan la soo gaadhsiin wax gurmad ah, markaas anigu waxaan Xukuumadda iyo Guddida Abaarahaba ugu baaqay inay dadkan dihbaataysan ee biyo la’aantu hayso shuban biyoodkuna ugu darsamay inay gurmad deg deg ah la soo gaadhaan”.