Xildhibaan Isu sharaxay Guddomiyaha Golaha Dhexe Ee KULMIYE

Published on May 06 2014 // Warar

WadkaHargeysa(Geeska)-Xildhibaan Maxamuud Jaamac Warfaa (Wadka) , oo ka mid ah golaha wakiilada ayaa shalay  ku dhawaaqay inuu u sharaxanyahay Jagada Guddoomiyaha Golaha dhexe ee Xisbiga Kulmiye oo sida sharcigu dhigayo bil ka dib Shirweynaha Xisbiga dib loo doorto xubnaha Golihiisa dhexe iyo hogaankooda.

Maxamuud Jaamac Warfaa  oo hore u ahaa Guddoomiye ku-xigeenka Golaha Dhexe, ayaa shaaciyay inuu xilkan u sharaxanyahay, maalin kaddib markii uu Guddoomiyaha Xisbiga kulmiye Muuse Biixi Cabdi ku dhawaaqay inuu u taaganyahay  Musharaxa Madaxweynaha ee Xisbigiisa.

Shir-jaraa’id oo uu shalay ku qabtay  Magaalada Hargeysa, ayuu Xildhibaan Wadku ku sheegay inuu musharaxaha Guddoomiyaha Golaha dhexe uu u taaganyahay, waxaanu intaasi ku daray inuu hanan karo ama ka soo bixi karo Jagadaasi hadii loo doorto. “Anigoo ah Xildhibaan Maxamuud Jaamac Warfaa, isla markaana ahaa Guddoomiye ku-xigeenkii Golaha dhexe ee Xisbiga Kulmiye, waxaan doonayaa inaan halkan ka caddeeyo inaan u taaganahay Guddoomiyaha Golaha dhexe ee Xisbiga Kulmiye ee soo socda”

Maxamuud Jaamac Warfaa oo sharaxaya qaabka uu Musharaxnimadiisa u marayo, maadaama aan hogaanka Xisbiga lagu tartamin shirweynihii todobaad ka hor qabsoomay, ayaa yidhi “Doorashadii hogaanka Xisbiga wada xaajood ayaa lagu dhameeyay, laakiinse tan Golaha dhexe waa lagu tartamayaa, haday tahay Musharax Madaxweynaha iyo haday tahay Shir-guddoonka Guddoomiyaha Golaha dhexe. Halkaasaanay dimuquraadiyadii xisbiga kulmiye ka bilaamaysaa.

Markaa Aniguna waxaan u tartamayaa, u ordayaa, u taaganahay , isla markaana halkan ka caddeynayaa inaan Guddoomiyaha Golaha dhexe u sharaxanahay, anigoo u sheegaya dhamaan dadka isu sharaxaya Madaxweynaha iyo Shir-guddoonka Golaha dhexe inuu sharciga Xisbigu sidaa dhigayo”ayuu hadalkiisa raaciyay.

 

Leave a comment

Subscribe to our RSS Feed! Follow us on Facebook! Follow us on Twitter! Visit our LinkedIn Profile!