Xildhibaan Ingiriis Ah Oo Su’aalo Dood Ah Oo Ku Saabsan Somaliland La Hortagay Wasiirada Dalkaas Iyo Jawaabta Ay K Bixiyeen

0
725

Hargeysa(Geeska)-Xildhibaan Stephen Doughty oo ka tirsan aqbalka golaha wakiilada Ingiriiska, si weyna u taageera qaddiyadda madaxbanaanida Jamhuuriyadda Somaliland ayaa dood adag la hor-istaagay xukuumadda Ingiriiska, waxaanu weydiiyay su’aalo ku saabsan aqoonsiga Somaliland iyo doorashooyinka iyo doorka uu Ingiriisku ka qaadanayo.

Xildhibaan Stephen, ayaa wasiiro ku sugnaa toddobaadkan aqalka baarlamaanka Ingiriiska wuxuu weydiiyay su’aalo is dabo-taxnaa oo nuxur ahaan ahaa in Ingiriiska iyo dalal kaleba aqoonsan doonaan Somaliland iyo caawimada dhaqaale ee uu Ingiriisku ku taageerayo doorashooyinka Somaliland ee qoondaysan November 2017.

Su’aasha xildhibaan Stephen, waxa ka jawaabay wasiirul dawlaha arrimaha dibadda ee horumarinta caalamiga ah iyo dalalka barwaaqo sooranka ee Ingiriiska Mr. Rory Stewart, waxaanu ka jawaabay su’aasha ku saabsan doorka dhaqaale ee Ingiriiska ee doorashada madaxtooyada Somaliland, isagoo garab maray su’aasha ku saabsan aqoonsiga Somaliland, waxaanu Wasiir Rory yidhi, “Dawladda Ingiriisku waxay qorshaysay maalgelinta goobjoogidda caalamiga ah ee madaxabannaan ee doorashooyinka madaxtooyada Somaliland, oo hore dib ugu dhacay, balse imika loo qondeeyey in ay qabsoonto bisha November 2017. U diyaar-garowgeeda dhaqaalena uu imika socdo.

Ingiriisku waxa uu bixinayaa 1.4 Milyan oo lacagta Ingiriiska ah oo dheeraada, si uu u taageero guud ahaan wareegga doorasho ee Somaliland.

Ingiriiska ayaa hore baaq caalamiya oo uu soo saaray bishii January 2017 waxa uu ku sheegay in aanu dhaqaale ku bixin doonin kharashaadka dheeraadka ah ee dib u dhigista doorashadu keentay.”