Xildhibaan Guurti Ah Oo Ku Taliyay In La Jabiyo Qiimaha Quutal Daruuriga

0
131

Hargeysa (Geeska)-Xildhibaan Muuse Ibraahim Aw Nuur, oo ka mid ah Xildhibaanada Golaha Guurtida, ayaa Xukuumadda ugu baaqay inay xil iska saarto masuuliyada ka saaran umadda, waxna ka qabato maceeshada qaaliga ah.

Xildhibaan Muuse Ibraahim Aw Nuur, oo wareysi gaar ah siiyey Wargeyska Geeska Afrika ayaa ugu horeyn hadalkiisi ku bilaabay “Qiimihii Sarifka hoos ayuu u yar dhacay, inuu hoos u dhacana waa waajib saaran Xukuumadda, waxaana waliba looga baahan yahay Xukuumadda inay hoos u sii rido, inkasta oo qiimihii sarifku hoos u dhacay, wali maceeshadii halkeedii bay taagan tahay, inay wax ku kordhaan mooye, waxba kama dhacaan, inkasta oo suuqeenu xor yahay, waxaa Ganacstada la gudboon inay dadkooda u naxariistaan, oo ay qiimaha maceeshada u jabiyaan, inkasta oo qof walba maalintiisa uu dhimanayo, una dhimanayo waxa uu ALLE ku sababayo, ayaa waxaan ALLE uga baryayaa inuu u naxariisto dadka haraadka u dhintay, inagana uu inooga daba naxariisto, ee Xukuumaddu waajibka iyo xilka ka saaran umadda ha ka soo baxdo, oo si daacadnimo leh ha wax ha ugu qabato”.

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.