Xildhibaan Guurti Ah Oo Ku Baaqay In Loo Gurmado Dadka Ay Abaartu Hayso

42
2615

Hargeysa (Geeska)-Xildhibaan Muuse Ibraahim Aw Nuur, oo ka mid ah Xildhibaanada Golaha Guurtida, ayaa ka hadlay abaarta ka taagan deegaano ka tirsan Somaliland, waxaanu ku taliyey in si deg deg ah loogu gurmado dadka ay abaartu hayso.

Xildhibaan Muuse Ibraahim Aw Nuur oo u waramay Wargeyska Geeska Afrika ayaa sidoo kale ka hadlay sicir bararka waxaanu ugu horeyn yidhi “Waxa dhab ah in deegaano ka tirsan dalkeena inay abaari ka jirto, markaas inaynu dadkeenaas ay abaartu hayso ee dhibaataysan u gurmanaa, oo aynu wax tarnaa, ILLAAHAYNA waxaynu ka baryeynaa inuu raxmadiisa inoo shubo, oo abaarta nimco inoogu bedelo”.
Mar uu ka hadlaayey sicir bararka ayaa yidhi “Dalka dawlad baa ka jirta, dawladda ayaana ILLAAHAY ka sakow dalka iyo dadkaba ma masuul ah, ee talaabo kasta oo ay Dawladdu ka ku xalinayso sicir bararka waan soo dhaweeynayaa, laakiin waa inay Dawladdu ku dadaasha sidii ay xal iyo qorshe waara uga yeelan lahayd sicir bararka”.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here