Xildhibaan Guurti Ah Oo Ka Hadlay Hawlgal Ay Qori-Lugad U Joogaan

30
3736

Hargeysa (Geeska)-Xildhibaan Muuse Ibraahim Aw Nuur, oo ka mid ah Xildhibaanada Golaha Guurtida, oo ku sugan hadda Qori-lugud, ayaa  ka hadlay halkay u marayso hawshii dhex-dhexaadinta iyo ergaynta laba beelood ee dagaal ku  dhex maray, deegaano ka tirsan Buuhoodle, waxaanu xusay in wax-qaradka iyo masuuliyadda labada Beeloodba ay is arkeen, balse ilaa hadda aanay waxba u dhammaan.

Xildhibaan Muuse Ibraahim Aw Nuur, oo u waramay Wargeyska Geeska Afrika ayaa sidoo kale wax aad loola yaabo ku tilmaamay in ilaa hadda aan la diyaarin xeerarkii lagu dooran lahaa Wakiilada iyo Guurtida, waxaanu ugu horeyn yidhi “Waxaanu imika ku sugan nahay Qori-lugud, oo aanu maalmahanba joognay, waxaanu u baxnay waa sidii aanu u dhex-dhexaadin lahayn, isla markaana u heshiinayn lahayn labada Beelood ee walaalaha ah ee dagaalku dhexmaray, Masuuliyiinta, Wax-qaradka iyo Madax-dhaqameedka labada Beeloodba waanu aragnay, oo si gooni gooniya ayaanu u aragnay, balse ilaa hadda iskumaanu keenin, oo maanu heshisiin, oo wali ergayntii baa noo socota,balse waxaanu ku rajo weyn nahay in haddii ALLE ka dhigo aanu colaadan soo dhammayno, ALLENA waxaanu ka baryeynaa inuu inagu asturo”.

Xildhibaan Muuse ayaa mar uu ka hadlaayey Doorashooyinka Guurtida iyo Wakiiladda ayaa yidhi “Wakhtigu uu is gurayaa, oo waxaynu ka war haynay in muddo laba sanno ah Doorashada Wakiilada loo kordhiyey, halka Guurtidana loo kordhiyey muddo saddex sanno ah, Doorashadii Wakiilada hal sanno ayaa ka dhiman, Doorashadii Guurtidana laba sanno, sidaas oo ay tahay cidii noolata oo ALLE gaadhsiiyo, waa beri ka maalin, laakiin waxa dhibaato ah in Doorashooyinkii oo fooda inagu soo haya, in haddana aynaan sameeysan xeerarkii Doorashooyinka ee Wakiilada iyo Guurtida, laakiin taladaydu waa in muddadaas hadhay laga hawl-galaa oo lagu sii diyaariyaa”.

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here