Xildhibaan Guurti Ah Oo Ka Hadlay Fadhigooda Maanta Iyo Mawduuca Muddo Kordhinta

0
615

Hargeysa (Geeska)-Xildhibaan Maxamed Wali Warsame Cali oo ka mid ah Xildhibaanada Golaha Guurtida, ayaa ka hadlay muddo kordhinta loo sameeynayo Xukuumadda oo la filayo in maanta Golaha Guurtidu si toos ah u guda galaan, waxaanu tilmaamay in laga doodi doono, sababta muddo kordhinta loo sameeynayo, inay u yeedhi doonaan cid walba oo ay Doorashadu wax kaga xidhmaan iyo inay talo badsi sameeyn doonaan, markaasna go’aan ka gaadhi doonaan.

Xildhibaan Maxamed Wali Warsame Cali oo wareysi gaar ah siiyey Wargeyska Geeska Afrika ayaa sidoo kale Wasiirka Qorsheynta ku amaanay talaabadii dalka lagaga mustaafuriyey labadii shaqaale ee ka tirsanaa Hay’adda DRC, ee ku xadgudbay Diinteena Islaamka, waxa kale oo uu ka hadlay abaarta iyo sicir bararka, ugu horeyna isagoo ka hadlaya muddo kordhinta ayaa yidhi “Sabtida (maanta) marka la furo waa laga doodayaa, waxa la ogaanaya asbaabaha, Maskax Rag waa miyo afkood ee wixii ka soo baxa ayuu nidaamku noqonaya, laakiin waa loo talo badsanayaa, oo talo badsi badan baa la sameeynayaa, oo waxay wax ku xidhan yihiin baa la is weydiinaya, maxa abaarta ku xidhan, maxa Komishanka ku xidhan, Komishanku shaqada ay qabtaan ayey wax walba ku xidhan yihiin, dadka arintu ay ku xidhan tahay baanu wareysanaynaa, abaartuna dhinac bay ka sameeynaysaa, markaas marka dhinacyo badan wax ka eegno ayaa Goluhu go’aan gaadhi doonaa”.

Xildhibaan Maxamed Wali mar uu ka hadlaayey labadii shaqaale ee dalka laga mustaarufiyey ayaa yidhi “Waxa uu ILLAAHAY wax inagu siinayaa waa labadii dalka laga mustaarufiyey, Wasiirka Qorsheynta ILLAAHAY jannada ha ka waraabiyo, Gabadha diiday in salaada iyo ninka aflagaadayey Eedaanka, madaama talaabo wanaagsan laga qaaday ILLAAHAY Somaliland sicir bararka uu ka saaraya, abaartana uu ka saaraya, madaama Diinteenii Islaamka u adeegnay, Wasiirka Qorsheynta waan raacsan nahay, waana u tahniyadeeynayaa isaga iyo Wasiiraddii kale ee kala shaqeeyey arinkaas, sida Wasiirka Arrimaha Guddaha iyo Wasiirka Diinta iyo Awqaafta, talaabo fiican ayeynu qaadnay, masuuliyada diinteena inaga saaran haddii aynu mar walba sidaas u ilaalino horumar baynu gaadhayna”.

Dhinaca kale Xildhibaan Maxamed Wali Warsame Cali ayaa ka hadlay sicir bararka dalka ka jira iyo qiimaha sarifka ee kacsan, waxaanu sheegay in haddii cashuurta qaadka lagu qaadi lahaa doolar, in qiimuhu hoos u dhici lahaa, imikana loo baahan yahay in sidaas la sameeyo, waxa kale oo uu ka hadlay abaaraha, waxaanu ku taliyey in dadku ay wax soo saar la yimaadaan, oo halka dibada wax laga sugi lahaa inay dalkooda wax kala soo baxaan, waxaanu ALLE ka baryey inuu abaarta inaga soo jabiyo.