Xildhibaan Gacan Oo Ka Hadlay Qorshe Lagu Dhamaynayo Dilalkii Oodweyne

0
653

xilHargeysa(Geeska)-Xildhibaan Axmed Muuse Obsiiye (Gacan) ayaa daboolka ka qaaday si loo dhameeyo aanooyinka soo noqnoqday ee ka taagan Oodweyne in beesha Habar yoonis ay soo qabatay ninkii ugu horeeyay ee dilka u gaystay afar iyo toban sano ka hor nin taliye ka ahaa Oodweyne.

Laba beelood ee wada dega deegaamadda gobalka Daadmadheedh  ayaa mudooyinkanba la waday xalinta aanooyin kala dhex yaalay, waxaana xildhibaan Axmed Muuse oo u waramaayay wargeyska Geeska Afrika uu sheegay in iyada oo loo dhan yahay wakhtigan loo fadhiisanaayo xalinta aanooyinkaas soo noqnoqday waxaana isaga oo arimahaas ka hadlaaya uu yidhi “Arintu ilaa kii ugu horeeyay ee afar iyo toban sanadood ka hor dilay taliyihii Oodweyne ilaa la soo qabto oo saddexdii ninba la dhameeyo arinkooda wax dhamaanaya ma jiraan.Markaas ninkaas gudida Habar yoonis ayaa loo Diray, reerkii uu ka dhashayna waa uu yeelay, oo waa ay soo qabteen waxaanay u soo dhiibeen gudidii Habar yoonis iyagiina waxa ay ku wareejiyeen suldaanka guud ee beesha, ugu danbayntiina dawlada ayaa ninkaas loo dhiibay, markaas labada nin ee dilalkaas dhibka abuuray gaystay labadiiba waa ay xidhan yihiin, hadana waxa la galayaa xaalkii guud iyo sidii labadaas reer lagu kala bogsiin lahaa ee wax kale oo hadhay ma jiraan.”

Dhawaan ayay ahayd markii aano qabiil loo dilay taliyihii degmada Xaajisaalax,taas oo xaasaasiyad dhanka amaanka ah ka abuurtay deegaanada Oodweyne.