Xildhibaan Dheeg Oo Wasaaradda Caafimaadka Ku Bogaadiyay Talaabada Ay Shaqada Kaga Joojiyeen Dr. Macow

0
557

Picture1Hargeysa(Geeska)-Xildhibaan Maxamed Maxamuud Yaasiin (Dheeg) oo ka tirsan golaha guurtida ayaa wasaaradda caafimaadka iyo guddiga mihnadlayaasha caafimaadka ku bogaadiyay talaabada ay kaga mamnuuceen Cali Macow inuu hawlo caafimaad dalka ka bilaabo.

Xildhibaan Dheeg, oo shalay la soo xidhiidhay Geeska Afrika, wuxuu sheegay inuu bogaadinayo wasaaradda caafimaadka, isagoo eeddo u jeediyay dadka naqdiyay wasaaradda caafimaadka. “Waxaan 100% soo dhawaynayaa oo aan bogaadinayaa talaabada ay wasaaradda caafimaadka iyo guddiga mihnadlayaasha caafimaadku shaqada kaga joojisay Dr. Cali Macow. Talaabadaas waxaan u arkaa mid wanaagsan oo ay wadaniyadi ka muuqato.” Ayuu yidhi Xildhibaan Dheeg, waxaanu intaas raaciyay, “Wasaaradda caafimaadka iyo guddiga mihnadlayaasha caafimaadku markay talaabadan qaadeen waxay eegeen oo ay arkeen inaanu dhakhtarkani ka cilmi badnayn dhakhaatiirteena wadanka joogta. Waxa la arkay dadka masaakiinta ah ee muwaadiniinta ah oo lacag uu ka urursaday isagoon dalkaba iman, fiisadana waxa loo siiyay inuu dalka yimaado, laakiin isagoo maqan ayuu dadkii isdiiwaangeliya ku yidhi.”

Ugu dambayn wuxuu dhaliilay dadka ka soo horjeestay talaabada shaqada lagaga joojiyay Dr. Cali Macow, kuwaas oo uu xildhibaanku ku tilmaamay inay meel dhow wax ka eegeen.