Xildhibaan Dhakool Oo La Layahay Meel Uu Jaan Iyo Cidhib Dhigay

0
700

 

dhagookHargeysa(Geeska)-Xildhibaan Maxamed Axmed Dhakool oo ka mid ah Mudaneyaasha Golaha Wakiilada ee ka soo jeeda Gobolka Sool ayaa la la’yahay meel uu jaan iyo cidhib dhigay ka dib markii lagu eedeeyay dilalka iyo weerarada qorshaysan ee lala beegsado masuuliyiinta Somaliland ee gobalkaas.

 

Guddoomiyaha Golaha Wakiilada Somaliland Md. C/Raxmaan Maxamed Cabdilaahi (Cirro) oo wax laga weydiiyay eedaha Xildhibaankaasi ayaa ka gaabsaday arrintaasi waxase uu sheegay inuu Xildhibaankaasi uu fasax ka qaatay shirgudoonka Aqalkaasi.

“Xildhibaan Maxamed Axmed Dhakool oo ka tirsan Mudaneyaasha Golaha Wakiilada Somaliland Xildhibaankaasi waxa uu Shirgudoonka u soo qortay codsi fasax ah waxaana la fasaxay illaa 31-ka bishan July 2011-ka,”ayuu yidhi Md. C/Raxmaan Cirro oo xalay u waramayay Telefishanka Horn Cable.

Guddoomiyaha oo la weydiiyay waxa ka jira in Xildhibaankaasi uu ku sugan yahay magaalada Muqdisho ee dalka Soomaaliya waxa uu yidhi “Xildhibaanku fasax ayuu qaatay meel uu ku sugan yahayna kama warmi karo.”

Guddoomiyaha wakiiladda oo la weydiiyay inuu ka war hayo eedo loo jeediyo Xildhibaan Dhakool oo ku saabsan inuu ka dambeeyay dilal iyo falal nabadgelyo darro oo lagu khal-khalinayo magaalada Laascaanood waxa uu sheegay inaanay dacwad noocaas ahi soo gaadhin.

Xildhibaan Dhakool ayay wararka qaar sheegayaan inuu ku suganyahay magaalada Kampala ee dalka Yugaandha halka ay warar kalena sheegayaan inuu tagay magaalada Muqdisho.