Xildhibaan Deeq Ducaale Oo Ka Tirsanaa Golaha Deegaanka Hargeysa Oo Axadii Geeriyoday

0
513

Picture3Hargeysa(Geeska)-Alle haw naxariiste waxa Axadii toddobaadkan magaalada Hargeysa lagu aasay xildhibaan Deeq Ducaale Cismaan, oo ka mid ahaa golaha deegaanka Hargeysa. Marxuumku wuxuu ka soo baxay urur siyaasadeedkii Xaqsoor ee ka qayb galay tartankii goleyaasha deegaanka Somaliland.  Marxuum Deeq, oo sidoo kale ka mid ahaa mujaahidiintii SNM ee dalka xoreeyay, waxa uu u geeriyooday xanuun muddo soo hayay, waxaana lagu aasay xabaalaha masalaha ee Hargeysa. Aaska marxuumka waxa ka qayb galay dadweyne tiro badan, masuuliyiin dawladda ka tirsan oo uu ka mid yahay maayarka Hargeysa, xubnaha golaha deegaanka iyo dadweyne badan oo reer Hargeysa ah. Waxa isna sidoo kale aaska ka qayb galay Mujaahid Xasan Ciise Jaamac.  Mujaahid Xasan Ciise, wuxuu tacsi u diray qoyska, qaraabada iyo shacabka uu ka geeriyooday marxuum Deeq Ducaale Cismaan. Sidoo kale madaxweyne Siilaanyo ayaa isna qoyska, iyo golaha deegaanka Hargeysa ka tacsiyeeyay geerida marxuum Deeq Ducaale. Dhammaan dadkii aaska ka qayb galay waxa ay Alle ka baryeen inuu marxuumka naxariistii janno ka waraabiyo, ehelkii iyo golaha deegaanka Hargeysana samir iyo iimaan ka siiyo. Alle haw naxariisto marxuumka, haddii aanu nahay bahda Geeska Afrika, waxaanu tacsi u diraynaa ehelka, qaraabada, qoyska iyo golaha deegaanka Hargeysa ee uu ka geeriyooday marxuum Deeq Ducaale Cismaan, Allena waxaanu ka baryaynaa inuu naxariistii janno ka waraabiyo.