Xildhibaan Deegaanka Burco Ah Oo Xaal Ka Bixiyay Hadal Uu Mr. Xinif Ku Sheegay In Dabac Ku Yimid Nidaamkii Dawladnimo

7
1008

Burco (Geeska )- Xildhibaan Mubaarig Yuusuf Cilmi (Bidhi) oo ka tirsan Golaha Degaanka degmada Burco, ayaa nasiib darro ku sifeeyay hadal ka soo  yeedhay Agaasimaha maamulka ee Komishanka AIDS-ka Cabdikariim Axmed Maxamed (Xinif) oo sheegay in kala-damayntii iyo nidaamkii dawladnimo habacsanaan iyo jileec.

Mubaarig Bidhi, waxa uu ku eedeeyay Cabdikariim Xinif in isagoo aan aqoon lahayn loo dhiibay masuuliyad dawladeed, waxaannu xusay inaanu ahayn qofkii hadallo  noocaas ahi ka soo yeedhi lahaayeen. “Waxaan doonayaa inaan xaal  ka siiyo madaxweynaha, shacbiga gobolka Togdheer iyo taageereyaasha KULMIYE-ba hadallo meel-ka-dhac ah  oo deel-qaaf ah oo aannu u meel dayin oo Cabdikariim Xinif ka yidhi Huteelka Nasteexo  oo xaflad beel ka mid ah beelaha gobolka Togdheer ay taageero ugu muujinayeen xisbal-xaakimka KULMIYE.

Hadallada ka soo yeedhay Cabdikariim Xinif oo aad iyo aad looga yaq-yaqsooday oo dawladdii uu ka tirsanaa  ku sheegay inay ka jirto  habacsanaan iyo kala-dambayn la’aan. Runtii waa nasiib darro anigoo xildhibaankiisii ahi, madaxweynaha xaal baan ka siinayaa, shacbiga reer Somaliland-na xaal baan ka siinayaa. Sidoo kalena  taageereyaasha xisbiga KULMIYE-na xaal baan ka siinayaa. Hadalkaasi meel-ka-dhac buu ahaa, waana ayaan darro oo Cabdikariim Xinif ma’aha ninkii odhan lahaa dawladda uu ka tirsanaa waxa ka muuqata habacsanaan iyo nidaam la’aan,”ayuu yidhi Xildhibaanka oo shir-jaraa’id ku qabtay Burco maanta.

Mr. Mubaarig Bidhi oo hadalkiisa sii watay waxa uu yidhi; “Cabdikariim Xinif isagoo mulcaamad quraan macalin ka ah oo Burco ku haysta oo xataa aan iskuul gelin, ayuu Madaxweyne Siilaanyo agaasime ka dhigay, isagoo aan CV lahayn ayaa laga dhigay agaasime, ma’aha kii maanta sidaas u hadli lahaa. Waxay ahayd inuu aamuso, laakiin maanta wuu is sheegay. Waxaannu leenahay cid loo khaldamay dalka adigaa jira oo adiga oo aan aqoon lahayn ayaa lagaa dhigay mas’uul. Xisbiga KULMIYE qof aad ka erido mooyee  hal qof ma keeni kartid waxaanan ku leeyahay xisbiga iyo Muuse dadka ha ka eryin.”

Waxa kaloo uu ka hadlay Guddoomiyaha ahna murrashaxa madaxweynaha ee xisbal-xaakimka KULMIYE,waxaannu yidhi; “Murrashaxa xisbiga KULMIYE, Muuse Biixi, waa run oo waanu qiraynaa inuu yahay nin muddan inuu dalkan hoggaamiyo, waayo Madaxweyne Siilaanyo oo aynu ognahay waxa uu qabtay ayaa innoo cugay, waanna nin halgamaa ah. Reer KULMIYE-na gudo iyo dibadba waxaan leeyahay u diyaar garooba doorashadii madaxtooyada ayaa dhacaysa ee haloo diyaar garoobo sidii murrashax Muuse Biixi u soo saari lahaydeen.”

 “Sidaad la socotaan waxa gabogabo ku dhow muddo xileedkii la doortay madaxweyne Axmed Maxamed Siilaanyo, oo aan ognahay inuu wax badan qabtay muddadii uu talada waddanka hayay. Waxaynu ognahay halka uu dalka gaadhsiiyay iyo halka uu ka soo qaaday. Madaxweyne kastaana midba meel ayuu soo gaadhsiiyay oo waxqabadkiisa lagu xasuustaa. Madaxweyne Siilaanyo waxa uu dhisay waddooyinkii dalka. Waxa xukuumaddani dhistay xarumihii wasaaradaha

dawladda.Madaxweyne Axmed Siilaanyo xilka waxa kaga tagayaa magac iyo karaamo, taariikhda ayaa xusi doonta oo ay waynu xusi doonaa,”ayuu yidhi Mubaarig Yuusuf Cilmi (Bidhi).

 

Comments are closed.