Xildhibaan Cusub Oo Shalay Loo Dhaariyay Golaha Deegaanka Hargeysa

0
567

Hargaysa(Geeska) Maxakamada Gobolka Hargeysa ayaa shalay dhaarisay Xildhibaan Siciid Xaaji Axmed Cali Faarax (Siciid Afqalooc) oo si rasmiya u bedelay Mustafe Cismaan Daahir oo isagu dhawaan iska casilay xilkaasi. Waxaanu ka mid noqon doonaa golaha deegaanka Hargeysa. Waxaana xildhibaanka dhaariyay guddoomiyaha maxkamadda gobalka Hargeysa Md. Faysal Cabdillaahi, oo halkaas ka akhriyay dhambaal uu guddiga doorashadu u diray.

Siciid Afqalooc ayaa ka soo baxay Urur Siyaasadeedkii Hadhay ee UMADDA, ayaa  isaga oo ahaa Xildhiban suge hadda waxa uu sidaasi ku noqday Xildhiibaan ka tirsan Xildhibaanada Golaha Degaanka ee Magaalada Hargeysa.

Xil Mustafe Cismaan Daahir ayaa lagu xukumay dil, ka dib markii uu muddo sanad ka hor ah qudha ka jaray nin ay saaxiibo ahaayeen, waxaanu dhawaan ku dhawaaqay in uu iska casilay xilkii uu ka hayay Golaha deegaanka ee Magaaladda Hargeysa.