Xildhibaan Cabdiraxmaan-dheere Oo Xukuumadda Ugu Baaqay Inay Talaabo Ka Qaado Madaxdhaqameedka Muqdisho U Hanqal Taagaya

0
555

Hargeysa (Geeska)-Xildhibaan Cabdiraxmaan Cismaan Caalin oo ka tirsan Xildhbaanada Golaha Wakiilada ayaa Xukuumadda iyo Hay’addaha amniga ugu baaqay in wax ka qabtaan  talaabana ka qaadan Madax-dhaqameedka  looga gacan haadinayo Muqdisho, waxaanu sheegay in haddii laga aamuso ay ka sii dari  doonto.

1

Xildhibaan Cabdiraxmaan Cismaan Caalin oo wareysi gaar ah siiyey Wargeyska Geeska Afrika ayaa sidoo kale sheegay in Ingiriiska iyo Turkigu aanay marnaba qaadacad  ka ahayn wada hadalada Somaliland iyo Somaliya, waxaanu si gaar ah u sheegay in xaqiiqada la iska indho tirayo waxaanu yidhi isagoo arimahan  ka hadlayaa “Maamulka Muqdisho wuu shaqeysanayaa waxaanu doonaya in  wixii dantooda ahi u socoto, laakiin waxaan fariin u dirayaa Hay’addaha Amniga ee Somaliland,waana inay wax ka qabtaan  arimahan noocaas ah waliba waxaanu ognahay qaar halkan laga kaxaynayo oo Salaadiin ah oo la doonayo in Xamar la geeyo oo iyaga oo dhargay inagu soo noqdaan, qaar ka mid ah Madaxdhaqameedkeenu iyo Salaadiinteenu waxay noqdeen qaar koox walba u ciyaara, oo marna Somaliland u ciyaara marna Somaliya u ciyaara, oo aan waxbana laga qaban marar badan oo horena dhacday, waxaanan leeyahay haddii aan Hay’addaha amniga iyo Xukuumaddu ficil sameeynin oo waxyabahaas    oo kale waxba ka qaban wey ka sii dari doonta oo waxaas wax ka daran ayaa iman doonaa”.

Xildhibaan Cabdiraxmaan Dheere mar uu ka hadlaayey wada hadalada Somaliland iyo Somaliya ayaa wuxuu yidhi  “Turkiguna dhex ka noqon maayo wada hadalada, Ingiriiskuna dhex ka noqon maayo, labaduba maabadida ay ku shaqeeynayaan weynu naqaana, Ingiriisku wuxuu aaminsan yahay weynu ognahay oo Safaaradiisi baa xamar ka furan, Ciidamadiisi iyo Khubariidisa baa jooga, Turkigna waa ka shaqeynaya ee Safaaradiisi ugu weynayd Xamar ka furtay, Ciidamadii buu u tababaraya, inagana qunsuliyadii buu inaga furay, wax walba weynu ognahay balse irbada suuxdinta ayeynu isku mudnaa, laakiin irbadaas suuxdintu inama wadayso Somaliya haddii aynu la hadlayno waa in mabaadida dhabta ah aynu  ka hadalnaa ee maaha inaynu xeebta ku wareegno  inaga  malaa wax kale u jeedna oo  lacag ayaa malaa ina luxaysee waa inaynu Somaliya xaqiiqda kala hadalnaa.”