Xildhibaan Cabdiraxmaan-Dheere Oo Shalay Ka Hadlay Qaban-qaabada Shirweynaha Xisbul Xaakimka KULMIYE

0
416

Picture5Hargeysa(Geeska)-Xildhibaan Cabdiraxmaan Cimaan Caalin (Cabdiraxmaan Dheere) oo ka mid ah xubnaha qaban qaabada shir weynaha Kulmiye ee dhici doonta todobaadkan fooda inagu soo haya, ayaa ka warbixiyay halka ay hawluhu u marayaan.

Waxa uu xildhibaan Cabdiraxmaan Dheere uu sheegay in guud ahaan hawlii loo igmaday ee dhanka qaban qaabada ay wax badan uga qabsoomeen, waxaanu sidan ku sheegay isaga oo warbaahinta u waramaayay, waxaana hadaladiisa ka mid ahaa “Hawalhu waa ay socdeen labadii bilood ee u danbeeyay,meel wanaagsana waa ay noo marayaan, mana jiraan wax muran ah oo taagan ilaa hadda waxyaabo yar yar oo dhanka farsamada ah ayuunbaa noo hadhay iyo qaybintii u danbaysay,diyaar garawgii kalena waa laysla wada qaatay, tii ergada ayaa in yar naga qabyo ah taasina maanta ilaa bari naguma dhaafayso.”

Shirweynaha xisbiga Kulmiye ayaa dhawr jeer dib ugu dhacay khilaafaad xubnaha xisbigaas ka dhex qarxay dartii, waxaana dhawaan gudi turaan bixin ah oo uu madaxweyne Axmed Siilaanyo u saaray ay soo go’aamiyeen heshiiskan hadda lagu shaqaynaayo.