Xildhibaan Cabdiraaxmaan Dheere Oo Ka Hadlay Muddo Kordhinta La Filayo In Loo Sameeyo Golahooda

0
1204

Hargeysa (Geeska)-Guddoomiyaha Guddida Arrimaha Bulshada ee Golaha Wakiilada Xildhibaan Cabdiraxmaan Cismaan Caalin (Cabdiraxmaan Dheere), ayaa ka hadlay muddo kordhinta la filayo in loo sameeyo Golaha uu ka tirsan yahay, cidda awooda u leh inay u kordhiso.

Guddoomiyaha Guddida Arrimaha Bulshada ee Golaha Wakiilada Xildhibaan Cabdiraxmaan Cismaan Caalin (Cabdiraxmaan Dheere), oo u waramay Wargeyska Geeska Afrika, ayaa ugu horeyn isagoo ka hadlay dib u dhaca Doorashada ayaa yidhi “Golayaasha Wakiilada iyo Guurtidu,waa labada Golayaashii Sharci-dejinta, sidaas oo ay tahay Gole waliba wuxuu leeyahay Sharci gaar ah, waxaana jira Xeerar labada Goleba mara, halka Xeerarka qaarna uu Gole waliba gaar u leeyahay, sidaas darteed marka ay timaado dib u dhaca Doorasho, oo Doorashada duruufo jira dartood ay dib uga dhacdo, waxaa awood u leh oo Dastuurku siinayaa waa Golaha Guurtida, muddo kordhinta Golaha Wakiilada iyo Deegaankabana waxaa sameeynaya oo laga sugayaa waa Guurtida, waana marka uu Madaxweynuhu u gudbiyo, Hay’ad kale oo muddo kordhin sameeyn kartaana ma jirto”.

Xildhibaan Cabdiraxmaan Dheere ayaa sidoo kale soo dhaweeyey amarkii Madaxweynaha ee ahaa in aan Madaxda kala duwan ee Qaranka ee dalka guddihiisa caafimaadkooda wax lagaga qaban karo in aanay dalal shisheeye caafimaad u doonan, waxaanu ku tilmaamay talaabadan mid aad u muhiim ah oo Madaxweynuhu ku dhiirigelinayo horumarka Caafimaadka ee dalka.

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here