Xildhibaan Buubaa Oo Si Casri Ah U Soo Bandhigay Xildhibaanadii U Codeeyay Talyanle

0
849

Hargeysa(Geeska)-Afhayeenka xisbiga mucaaradka ah ee Waddani Xildhibaan Ibraahin Mahdi Buubaa, ayaa sharaxaad ka bixiyay qaabka codayntii golaha wakiiladu ay u dhacday, waxaanu sawir muuqaal ah oo fadhigaas laga qaaday uu aad ugu muujiyay safafka kuraasta baarlamaanka iyo xildhibaanadii u codeeyay Xildhibaan Talyaanle.

Afhayeenka oo warbaahinta la hadlaayay waxa uu kamaradaha warbaahinta ku hor sharaxay qaabka codayntu u dhacday iyada oo gacan taagii golaha xildhibaanadii u codeeyay Cabdiraxmaan Talyaanle gacanta saf kasta midab cas loogu yeelay, waxaana isaga oo arimahan ka hadlaaya uu yidhi "Waxaanu soo bandhigaynaa barnaamij hordhac ah oo cadaynaaya  doorashadii ka dhacday golaha wakiilada maalintii Axada bisha sideedaad ay lixda ahayd,waxaanu ugu talo galnay bushada Somaliland ee markii hore wax iska waydiinayay hanbalyadii Cabdiraxmaan Talyanle iyo xildhibaanada codka siiyayba ay hanbalyeeyeen Baashe iyo hadalkii ka danbeeyay waxa keenay, waxay nagu kaliftay inaan samayno barnaamijyadan iyo kuwo kale oo daba socon doona."

Afhayeenka xisbiga Waddani Xildhibaan Ibraahin Mahadi Buubaa waxa uu si muuqaal ah sharaxaad uga bixiyay afarta waaxood ee golaha wakiiladu uu u kala fadhiisto dhanka kuraasta iyo saf walba inta uga codaysay  Xildhiban Cabdiraxmaan Talyanle, waxaana safka koowaad oo uu ( A) u qaatay ka codeeyay 9 xildhibaan oo gacanta casaan loo mariyay, safka (B) waxa ka codeeyay 11 xildhibaan, halka (C) isagana ay ka codeeyeen (12) xildhibaan iyo safka ugu danbeeya ee (D) 7 xildhibaan ay uga codeeyeen xildhibaan Cabdiraxmaan Talyanle, kuwaas oo tiradoodu isku noqonayso 39 xildhibaan.

Masuulkan ayaa sheegay in inay soo bandhigi doonaan cadaymo is xig xiga oo ay sheegeen inay muujinaynaa in codka laga Musuqay Cabdiraxmaan Talyanle doorashadii lagu doortay Baashe Maxamed Faarax guddoomiyaha golaha wakiilada.

Buubaa wuxuu soo bandhigay xildhibaanada u codeeyay Talyanle magacyadooda iyo goobta uu fadhiyey xildhibaan kastaa.

Group A

1.       Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi (Ciro)

2.       Siciid Warsame Ismaaiil

3.       Cabdiraxmaan Maxamed Jaamac

4.       Xaashi Xuseen CAabdi

5.       Mahdi Cabdilaahi (mahdi dheere)

6.       Maxamed Cismaan Bulqaas

7.       Maxamed Dhunkaal Guutaale

8.       Jaamac Xasan Aadan

9.       Naasir Xaaji Cali Shire

Group B

1.       Cabdilaahi Axmed Yuusuf Madar

2.       Mataan Hoori

3.       Xildhibaan Waabeeye

4.       Cali Sheekh Ibraahin Aareeye

5.       Xuseen Ismaaciil

6.       Xuseen Maxamed Cige

7.       Axmed Faarax Jooj

8.       Xasan Karaama (hufane)

9.       Macdi Xuseen Cadare (Gees)

10.   Siciid Cilmi Rooble

11.   Cabdiraxmaan Xoog

Group C

1.       Cabdiqaadir Jaamac Xaamud

2.       Cabdiqaadir Askar

3.       Cabdiqaadir Ismaaciil Jirde

4.       Axmed Maxamed Nuur

5.       Xaamud Cismaan Cigaal

6.       Baar Siciid Faarax

7.       Bashiir Tukaale

8.       Cali Xaaji

9.       Maxamed Saalax Cige

10.   Saleebaan Koore

11.   Abuubakar Good

12.   Wali Axmed Xaawa

Group D

1.       Cabdiraxmaan Talyanle

2.       Cabdiqaadir Jibriil Tukaale (Bahal)

3.       Cabdi Hirad

4.       Garyaqaan Yuusuf Liibaan

5.       Ibraahim Mahdi Buubaa

6.       Rashiid Hoos-U-jeed

7.       Maxamed Faarax Qabile

Dhamaan 39-ka xildhibaan waxa ay u codeeyeen Xildhibaan Cabdiraxmaan Talyanle oo ahaa Musharaxii la tartamayey Baashe Maxamed Faarax.