Xildhibaan Axmed-gacan Oo Meesha Ka Saaray Muddo Kordhin Loo Sameeyo Madaxweynaha

0
490

Hargeysa (Geeska)-Xildhibaan Axmed Muuse Obiisye (Axmed Gacan), ayaa sharci daro ku tilmaamay muddo kordhin dambe oo dhacda iyo doorashada oo dib u dhacda, waxaanu ayaan daro ku tilmaamay in laga hor yimaado Digreetadii Madaxweynaha iyo go’aankii Maxkamada ee qabsoomida Doorashooyinka.

1

Xildhibaan Axmed Muuse Obiisye (Axmed Gacan),oo wareysi gaar ah siiyey Wargeyska Geeska Afrika ayaa isaga oo arimahan ka hadlaya yidhi “Meesha muddo kordhini kuma jirto,Golaha Wakiiladuna  yaanay jeclaysan kursiga,anaga iyo iyaguba dadka aanu u banayno kuraasta, wakhtiga Doorashada haddii ay Maxkamadu soo saartay waa go’aan Maxkamadeed, Madaxweynuhuna waxa uu sheegay in aanay Doorashadu dhacayso, cid baajin kartaana ma jirto,haddii ay se ay Doorashadu dib u dhacdo, oo la baal maro go’aankii Maxkamada iyo Digreetadii Madaxweynaha waxay noqonaysaa sharci nidaam iyo kala dambayni ma jiraan”.

Xildhibaan Axmed Gacan mar uu ka hadlaayey muddo kordhinta iyo doorka ay Guurtidu ku leedahay ayaa yidhi “Guurtidu waxay wax kordhisaa marka ay Doorasho dhici weydo, laakiin haddii hadda Doorashadii la cayimay, oo Maxkamadu go’aan ka soo saartay,Madaxweynuhuna ku dhawaaqay, Diiwaangelintiina la wado, sabab loo kordhiyaa  oo muddo kordhin loo sameeya ma taalo, cida leh ha la kordhiyana waa cid fowdo iyo dhib wada, waxaana ku talinayaa Doorashadu wakhtigeedii ku dhacdo, oo aanay dib ugu dhicin, maxa yeelay dib u dhaca doorashada iyo muddo kordhin dambe oo timaada dhib mooye wax faa’iido ah oo ay inoo yeelanaysaa ma jirto,markaas sharciga iyo dastuurka inaynu ka hor nimaadno, oo aynu iska indho tirno maaha,qabsoomida Doorashaduna faa’iidooyin badan ayey inoo leedahay”