Xildhibaan Awdal Ka Soo Jeeda Oo Madaxweynaha Ugu Baaqay Inuu Ku Dhiirado Xal U Helidda Saami Qaysiga

0
788

Hargeysa (Geeska)-Xildhibaan Cabdiqaadir Jibriil Tukaale oo ka mid ah Xildhibaanada golaha wakiilada, kana mid ah mudanayasha laga soo doorto gobolka Awdal ayaa ka hadlay go,anka ay xisbiyada qaranku isku raaceen ee ay madaxweynaha dib ugu celiyeen xal ka gaadhista saami qaybsiga kuraasta wakiilada.

1

xildhibaan Cabdiqaadir Tukaale oo waraysi gaar ah siiyey Wargeyska Geeska Afrika ayaa madaxweynaha u soo jeediyey inuu ka badheedho xal ka gaadhida saami qaybsiga kuraasta golaha wakiilada waxaanu yidhi “Guddida Arrimaha Gudaha ee Golaha Wakiiladu safar bay ku tageen Gobolada dalka oo dhan  xogo kala duwan ayey soo ururiyeen, warbixinana wey ka soo diyaariyeen waajibkoodiina wey guteen, ugu dambayntiina Madaxweynaha a ayaa loo gudbiyey arinta Saami qaybsiga , markaas Madaxweynuhu yaanu kula gal-galan Xisbiyada iyo Golaha Wakiilada  ee ha ka badheedho oo go’aan ha ka gaadho,  waajibkiisana ha ka guto  oo ha soo af jaro tabashada saami qaybsiga”.

Xildhibaan Cabdiqaadir Jibriil Tukaale ayaa mar uu ka hadlaayey qabsoomida Doorashada waxa uu yidhi “Maxkamadda sare ee Somaliland waxay soo saartay go’aan ah in Doorashadu wakhtigeeda ku dhacdo, wax la yeelayana  maaha in mar dambe Doorashadu wakhtigeedii dib uga dhacdo, balse waa in lagu dedaalo  inay wakhtigeeda ku qabsoonto oo xil dheeraad ah ha la iska saaro”