Xildhibaan Abuubakar Oo Qoyska Madaxweyne Siilaanyo Ugu Baaqay Inay Karaamadooda Ilaashadaan

0
799

Hargeysa (Geeska)-Xildhibaan Abubakar Cabdiraxmaan Good, oo ka mid ah Xildhibaanada Golaha Wakiilada, ayaa Madaxweynaha talo u soo jeediyey, waxaanu ugu baaqay in muddada kooban ee muddo xileedkiisa uga hadhay iuu cadaalad iyo sinaan ku shaqeeyo.

Xildhibaan abubakar Cabdiraxmaan Good, oo u waramay Wargeyska Geeska Afrika ayaa sidoo kale talo u diray Guddoomiyaha Maxkamadda sare ee dalka, waxaanu ugu horeyn yidhi isagoo ka hadlaya Xisbiga Kulmiye “Mushkilada taala ee dhinaca Sharciga weyn u arkaynaa, Xisbiga Kulmiyena in isagoo jooga Garoonkii inuu haddana khaladaad badan galayo, oo wax badan oo aanu sharcigu u ogolayn uu ku dhaqaaqayo, inuu tixgeliyo ayey ahayd xeerarka dalka u yaala, waxyaabaha ka mamnuuca ahna inuu joojiyo weeye, waxaana maanta aragnaa dalkii halka uu marayo, nolosho marba meel bay joogta, balse noloshii dadka ayaa cidhiidhi gashay, sicir bararku halku marayo, weynu ognahay, hantidii qaranka sida laga yeelayo weynu aragnaa, waxaana la yidhi hadh geed uu qarsooma haddii hadh gabi soo rogmado, xaaladu halkay marayso, Xisbiga kulmiye naf la caarid buu ku jiraa, oo inta dad meel laga guro, oo meel kale la geeyo, oo inta dadka Hargeysa laga guro, la yidhaahdo ha lagu soo dhaweeyo Xisbiga Oodweyne, ha lagu soo dhaweeyo Fara-weyne, kalsoonidii baa halkaas maraysa, Doorashadiina laba bilood baa ka hadhay, Xisbiga Kulmiyena isagoo Garoonka ku jira buu haddana is difaaci kari la yahay, ee intaas hadhay ha xalimo, oo sharci ha ilaaliyo”.

Mar uu ka hadlaayey hadalkii Guddoomiyaha Maxkamadda sare ee ahaa digniinta uu u diray laba Garsoore oo Kulmiye taageeray ayaa yidhi “Nin daad qaadayna xumbo cuskay ayaan u arkaa,waxaana leeyahay Maxkamadda wakhtigu waa cidhiidhi, Ragganimaduna meel adag bay ku jirtaa, wakhtiga ay doonto ha noqote, wakhti baa la eegaaa, waxna waa la qorayaa, hal qodob waxaan leeyahay Maxkamadda, Maxkamadda sare ee Somaliland aad iyo aad baa loogu hanweynaa, waa Maxkamaddeenii, siiba Guddoomiyaha Aadan, oo halkii ay marayso Maxkamaddu sumcadii sare uga qaaday, taariikhda ayaa hadhaysa, oo magaca dambe ayaa hadhaya,waxaad mooda sidii ay Maxkamaddu aanay markii hore ahayd in aanay imika ahayn, weynu ka war qabnaa go’aanka Maxkamadda sare ee Kenya, qof walba oo maalin abaal umadda u geystay taariikhda ayaa xusaysa, abaalna waa loo haynayaa, oo qof kasta oo sharciga iyo shaqadiisa u hogaansamaa abaalkaas uu geystay ee uu sharciga uu ku ilaaliyey wuu helayaa, ILLAAHAY baa arsaaqada bixiya, ee Maxkamadda waxaan leeyahay Shaqadiina uu Dastuurku idin siiyey ilaashada, oo saddex Hay’adood, oo siman weeye, Garsoorka, Golayaasha Sharci-dejinta iyo Xukuumaddii oo fulintiiya,inay markaas Maxkamaddu ku dhex milanto Xukuumadda maaha, waana inuu Garsoorka aad iyo aad uga ka adkaystaa inay Maxkamaddu ku dhex milanto Xukuumadda, wakhtiguna waa gabo-gabo, ee waa inuu Guddoomiyaha Maxkamadda sare uu qaada talaabo lagu xasuusto, oo ah sidii loogu han-weynaa”.

Xildhibaan Abubakar oo la hadlaya madaxweynaha iyo xukuumadiisa waxa uu yidhi  “Xukuumadda waxaan leeyahay wakhtigu waa gabogabo, laba bilood baa hadhay, inaad cadaalad u sameeysaan umadda, kii ILLAAHAY u qoray cadaalad daro kaga joojin maysaan Kursiga, cadaalad daro iyo awoodna ku saari kari maysaan Kursiga cidna, xaaladuna siday u socoto waad arkaysaan, xaaladaha iyo dabaylaha socda ee cadaalada, kii guulaysta hambalyeya, oo si fiican ugu wareejiya, waxan kale ee rafashada ahna iska ilaaliya, taariikhdana ha iska xumaynina.”

Isagoo la hadlaya qoyska Madaxweyne Siilaanyo wuxuu xildhibanku yidhi “Reer Siillaanyo, waa dad taariikh ku leh dalka, oo soo halgamay, ee xaaladuhu siday u socdaan waad arkaysaan ee Garsoor fiican waa inaad ka noqotaan Doorashada, ee Shaqaalaha, Wasiiradda, Gaawadhida iyo Shidaalka Dawladda, sida loogu ololeynayo Xisbiga Kulmiye weynu aragnaa, reerka xilka haya ee reer Siillaanyo ha ilaashadan karaamadooda,  oo ha isku dayaan inay wax difaacaan, oo taariikhda ha iska xumaynina, qofka kursiga awood kuma saari kartaan, qofna uma diidi kartaan”.