Xildhibaan Abuubakar Good Oo Is Barbar-dhigay Sidii Ay Xukuumadii Hore Ula Tacaali Jireen Sicir Bararka Iyo Dayaca Xukuumadda Siilaanyo

1
941

Hargeysa (Geeska)-Xildhibaan Abubakar Cabdiraxmaan Good, oo ka mid ah Xidlhibaanada Golaha Wakiilada, ayaa sheegay in Xukuumaddu qayb ka tahay sicir bararka baahsan ee dalka ka jira, waxaanu tilmaamay in Xukuumaddu ka gaabisay xilkii iyo masuuliyaddii umadda ka saarnaa, ee loo baahnaa inay wax kaga qabato sicir bararka.

Xildhibaan Abubakar Cabdiraxmaan Good, oo u waramaya Wargeyska Geeska Afrika ayaa sidoo kale wax aad loola yaabo ku tilmaamay in khilaafka ka taagan Dekadda Berbera ilaa hadda aan la xalin, waxaanu ugu horeyn uu yidhi “Xaalada uu dalku marayo ee ah dhinaca sicir bararka waa xaalad naxdin leh, Xukuumadda waxa la gudboona inay talaabo deg deg ah ka qaado ayey ahayd, inay awood badan saarto ayey ahayd, Xukuumaddu xilkeedii iyo masuuliyaddii ka saarnaa dalka aad bay uga gaabisay, maxaa yeelay sicir barar baa dalkii ka jira,  maceeshadii baa  qaaliya,  qiimaha sarifka wuu ka sii darayaa, Ganacstada ayaa dusha laga saaraa, balse waxa dhab ah in Ganacstada aanay waxba gacanta ugu jirin, laakiin Ganacstada waxa la gudboon oo ah inay dadkooda u tudhaan, oo ay u naxariistaan, Somaliland maanta may dhalan, oo hore ayey u soo jirtay, oo Xukuumaddo ayaa taladda dalka iskaga dambeeyey, haddii uu Doolarku hoos u dhaco, kor baa loo qaadi jiray, haddii uu kor u kacana hoos baa loo dhigi jiray, oo waa la xakamayn jiray, balse xakamayntii ayaa meesha ka baxday, masuuliyadii Xukuumadda iyo xilkeedii baa meesha ka baxay, dhibaatada sicir bararka ee jira waa khalad aanay cidi lahayn Xukuumadda, waliba iyada ayaa qayb ka ah, haddii ay isku dayi lahayd inay wax ka qabato dadkuna wey garab istaagi lahaayeen, uma jeedo inay wax ka qabato”.

Xildhibaan Abubakar oo ka hadlaya Dekadda Berbera ayaa yidhi “Heshiis baa la galay, Xukuumadda ayaa fulin u ahayd, Xukuumadda ayaa heshiiska gashay, khilaafkan Dekadduna muddo ayuu cakiran yahay, khilaafkana, sumcad daro ayuu Dekadda soo gaadhsiinayaa, Markabku haddii uu bil ama laba bilood joogo, waa dhaawac weyn oo inaga soo gaadhaya, ee waxay ahayd in Xukuumaddu sida ugu dhakhsaha badan u xaliso arinkan, oo la xaliso nimanka lagu wareejiyey Dekadda, oo dalka, dadka iyo dekadda wixii u dan ah la qabtaa, laakiin in la daawado oo sheeda laga daawado anagu macquul uma arko, in khilaafka Dekaddu muddo qaato waxaan u arkaa inuu yahay masuuliyad daro”.

 

Comments are closed.