Xildhibaan Aareeye Oo Cambaareeyay Qaabkii Loo Ururiyay Qaadhaankii 18 May

0
613

Hargeysa(Geeska)-Xildhibaan Cali Ibraahin Aareerye ayaa si adag u dhaliilay qaabkii loo ururiyay lacagta ay madaxtooyadu ugu yeedhay gurmadka abaaraha ee lagu bedelay dabaaldegadii 18 May

.

Xildhibaan Cali Aareeye ayaa shacbiga iyo dawladaba u soo jeediyay in loo noqdo wanaaga oo aan xaalku istus dadka ka noqon, waxaanu arintan kaga halday xaflad uu shalay kaga qaybgalay qasri loo dhisaayo suldaanka guud, Suldaan Maxamed Suldaan Cabdiqaadir, waxaana hadaladiisa ka mid ahaa "Habeenkii dhawayd ee abaarta wax loo ururinayay ayaan arkayoo, aniga saddex milyan igu qora, aniga toban milayan igu qora,qofku waxa uu bixin karo inuu sameeyo weeye,suldaanka iyo dawlada in midna lagaga farxiyo may ahayn, habeenkii dhawayd dawlada ayaa laga farxinaayay oo Siilaanyo madaxweynaheena qaaliga ah ayaa meesha joogay."

Kulankaas uu xildhibaanku dhaliilay ayaa ahaa mid lagu diiwaangaliyay lacag badan taas oo dadkii isku qoray ay sheegen inay ugu tabarucayaan dib u kabashada dadka abaaruhu ay saameeyeen.