Xil. Indho-indho Oo Baaq Nabadeed U Diray Beelaha Dharkangeeyo

0
415

Hargeysa (Geeska)-Xildhibaan Cabdiqaadir Maxamed Xasan (Indh-indho) ahna Afhayeenka Golaha Guurtida ayaa baaq u diray labadii Beelood ee ku dagaalamay Deegaanka Dharkeen-geenyo, waxaanu ugu baaqay inay nabad qaatan, oo wufuuda ku baxdayna u dhego nugladaan, go’aamadoodana u hogaansamaan.

1

Xildhibaan Cabdiqaadir Maxamed Xasan (Indho-indho) oo wareysi gaar ah siiyey Wargeyska Geeska Afrika ayaa yidhi  “Waxaan baaq nabadeed u dirayaa labada beelood ee dirirtu ku dhexmartay Dharkeen-geenyo, waxaan leeyahay waxaad tihiin laba beelood oo walaalo ah, waxaad tihiin laba beelood oo wada dhashay, waxaana ALLE ka baryayaa dadkii idinka dhintay inuu jannadii ka waraabiyo, bedel khayr qabana idinku bedelo, waxaana idinkula talinayaa in ergooyinkaas idin yimid ee beelihii Somaliland oo dhan ka tirsan ee iskugu jirta Guurti, Wax-garad, Madax-dhaqameed, Salaadiin, Xukuumad,Aqoonyahan iyo Dhalinyaro inaad u hogaansataan, go’aanka ay idiin soo jeediyaana aad qaadatan, waana bil khayr qabta ee shaydaanka iska naara oo heshiiya, nabadana qaata”.