Xil. Axmed Gacan Oo Sheegay In Dadka Gaashaamo Lagu Laayey Ay Ahaayeen Shicib Qaarkood Masaajid Loogu Galay

0
475

Hargeysa (Geeska)-Xildhibaan Axmed Muuse Obsiiye (Axmed Gacan), oo ah Guddoomiyaha Guddida Arrimaha Guddaha iyo Nabadgalyada ee Golaha Guurtida ayaa ka hadlay tobannan qof oo iskugu jir Waayeelka, Caruurta iyo Haweenka ee lagu laayey Deegaanka Gaashamo,waxaanu gef iyo khalad ku tilmaamay in dad maatiy oo aan waxba galafsan oo waliba bilaa hub ah in la xasuuqa, isaga oo waliba sheegay inay khalad weyn tahay in Masaajidka loogu galo oo la laayo.

1

Xildhibaan Axmed Muuse Obsiiye (Axmed Gacan) oo arintan ka hadlaya ayaa yidhi, “Degmada Gaashamo dadkii ku dhintay tacsi baan u dirayaa, wixii dhintay ILLAAHAY ha u naxariisto, wixii dhaawac ahna ILLAAHAY ha shaafiyo, inta ka dib tan Degmada Gaashamo, dadku waxa uu ka tirsan yahay Kilinka asalkooduna waxa uu ka soo jeeda Somaliland,dhimashadu 42-qof ayey maraysay saaka (Shalay),  ee Odayaashii meesha wax ku aasaasay 42 bay maraysaa,  tirada caynkaas ah ee Caruurtii leh, oo Dumarkii leh oo Wayeelkii yo Odayaasha Masaajidka ku tukanaayey ee lagu laayey Masaajidka leh,  taas iyada waxaan u arraa xasuuq dhacay oo Ciidamada Itoobiya haddii ay Cadaw moodayaan dadka qofka qoriga sita ayaa cadaw loo arki karaa, qofka wax dila ayaa cadaw loo arki karaa qof miskiin ah oo shacab ah oo aan dagaalamin oo aan qori sidan oo aan waxba dilin in la iska xasuuqa xaaran weeye”

Dhinaca kale Xildhibaano kale oo ka tirsan Golahyaasha Wakiilada iyo Guurtida ayaa iyana dhankooda gef iyo daan-daansi ku tilmaamay in dad aan waxba galafsan la xasuuqa, oo la laayo, waxayna ku baaqeen in sida ugu dhakhsaha badan wax looga qabto arintan, oo cidii ka dambaysay sharciga la hor keeno.