Xikmadda Ku Jirta: Qadhaadhka Biyaha Dhegaha, Dhanaanka Biyaha Indhaha Iyo Macaanka Biyahaafka

0
953

Hargeysa (Geeska)- U fiirso xikmadda Alle ee ku jirta abuurka, u fiirso sida uu shay walba u dhigay halkiisa uguna sameeyey sida ugu habboon iyo waxa ugu habboon ee uu ku badbaadi karo. Bal hadda si gaar ah u eeg abuurka Alle (Subxaanah) ee arrimahan iyo in yar oo ka mid ah xikmadaha yaabka leh ee ku jira:

1. Dareeraha dhegta ku jiraa waa qadhaadh:

Xikmadaha ay illaa hadda khubarada caafimaadku ogaadeen eek u jirta in biyahaa dhegtu ay qadhaadh noqdaanna waxaa ka mid ah; in xasharaadka ama noole yar oo kasta oo gala uu si deg deg ah ugu dhinto. Khubarada caafimaadku waxa ay aaminsan yihiin in haddii ay biyaha dhegtu macaan ahaan lahaayeen ay khatar u ahaan lahaayeen in ay qudhaanjada iyo cayayaanno kale cunto ka raadsadaan dhegta qofka. Sida dhacdaba marka uu qofku dhinto ee ay biyahaasi qallalaan.

2. Dareeraha indhaha:

Dareeaha indhaha ka yimaadda ama ilmada dhadhankeedu waa dhanaan. Cilmi-baadhayaal arrintaas daraaseeyey ayaa ogaaday in xaydha ishu ay u nugushay in ay qudhunto ama uu caabuqo galo, haddii biyahan dhanaan aanay ku guda jiri lahayn. Khubaradu waxa ay sheegeen in biyaha dhanaan ee indhuhu ku dhex jiraa ka hortagaan caabuqa iyo in caabuq uu sahal ku galo nabarrada laga yaabo in ay isha gudaheeda gaadhaan.

3.Dareeraha Afka:

Sida aynu wada dareemi karno afkeenna waxaa mar kasta buuxiya dareere dhareer ah oo dhadhankiisu macaan yahay ama ugu yaraan aanu ahayn dhadhanba. Xeel-dheerayaal caafimaad oo arrintaas cilmi baadhis ku sameeyey ayaa sheegay in xikmadaha Alle (Subxaanahu) ee ku jira in biyaha afku sidaas bilaa dhadhan u noqdaan ay ka mid tahay in qofku uu garto dhadhanka dhabta ah ee cuntada ama waxa uu dhadhaminayo, haddii ay qadhaadh ama dhanaan ahaan ahaayeenna suurto gal aanay noqoteen in wax macaan aynu dhadhamino.