Xiisaha Muuqaallo Muujinaya Trump Oo Ku Jaahwareeray Gacmo Isdhaafsiga Astaanta U Ah Madaxda Aasiya

22
3473


Manila (Geeska)- Madaxweynaha dalka Maraykanka Donald Trump ayaa isniintii toddobaadkii hore la arkay isaga oo wejiisa ay ka muuqato xaalad caddibni iyo deggenaanshiyo la’aan ah, kadib markii uu hore ula qabsan kari waayey salaanta gacmo-dhaafsiga talantaaliga ah ee ay madaxda qaaradda Aasiya astaanta u leeyihiin xilliga shirka ururka ASIAN.
Madaxweyne Trump waxaa ku adkaatay in labadiisa gacmood oo isweydaar ah mid kasta ku gacan qaado hoggaamiyaha dhankeeda xiga. Taas oo uu kaga duwan yahay madaxweynayaasha kale oo sida sawirrada ka muuqata iyagu si hawl yar u awooday in ay si aan culays laga dareemayn indhahooda la arkayo in mid kastaa gacmo isweydaar ah ku gacan qaaday hoggaamiyeyaasha labada dhinac ka taagan, marka laga reebo raysalwasaaraha dalka Ruushka oo la arkayey isagu in uu habka isweydaarka gacmaha iska dhaafay oo uu labada hoggaamiye ee hareer taagan mid kasta gacanta ku xigta ku gacan qaaday.
Madaxweyne Trump dadaal adag kadib waxa uu marka dambe ku guulaystay in uu gacanqaadna sameeyo, waxa se weli wejigiisa ka muuqatay in isweydaarka gacmuhu ku adkaayeen.
Gacanqaadka noocan ah ayaa astaan u ah hoggaamiyeyaasha tobanka dawladood eek u midoobey ururka xidhiidhka dawladaha koonfurta bari ee Aasiya oo lagu magacaabo ASIAN. Shir madaxeed sannadle ah ayaa uu ururka ASIAN la yeeshaa madaxda dalalka Shinaha, Maraykanka, Ruushka, New Zealand, Ustareeliya, Hindiya, Kanada, Jabbaan iyo Kuuriyada Koonfureed.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here