Xiisad Siyaasadeed Oo Ka Taagan Magaalada Jig-Jiga Iyo Madaxweyne Cagjar Oo Laba Jeer Looga Yeedhay Addis Ababa

0
1038

Jigjiga(Geeska/W.Wararka)-Xiisad siyaasadeed ayaa lagu soo warramaya in maalmahan ba ay ka taagneyd Dowlad Deegaanka Soomaalida ee dalka Itoobiya.

Madaxweyne Mustafe Muxumad Cumar ayaa maalin ka hor labo jeer looga yeedhay magaalada Addis Ababa ee caasimadda dalka Itoobiya, waxaana markii uu dib ugu soo laabtay Jigjiga la sheegay in uu kulamo la qaatay golihiisa wasiirrada oo la aaminsan yahay in uu kala hadlayo xaaladda taagan. Sidaas waxa baahisay laanta Afka Soomaaliga ee BBC.

Madaxweyne Mustafe Cagjar, ayaa shalay xilkii ka qaaday wasiirka warfaafinta ee deegaanka Guuleed Ali Kaahin, oo ay warbaahinta Itoobiya qortay in lagu eedeeyay inuu warar khaldan ka baahiyay qorshayaasha siyaasadeed ee Madaxweyne Cagjar oo uu u gudbiyay xukuumadda Addis Ababa, waxaanu wasiirka warfaafinta u magacaabay masul cusub. Wasiirka hore ayaa la sheegay inuu diiday amarada Madaxweyne Cagjar isagoo gebi ahaanba diiday inuu ka qayb galo shirarka golaha wasiirada.

Dad badan waxay aaminsan yihiin in madaxweynaha deegaanka uu caqabada ugu badan kala kulmayo siyaasiyiin hore  uga tirsanaa xukuumaddii hore oo aan la dhacsaneyn qaabka uu wax u wado, ayna doonayaan in markale qeyb ka noqdaan golaha fulinta ee xisbiga dowlad deegaanka, mowqifkaasi oo uu taageersan yahay Axmed Shide, Guddoomiyaha Xisbiga talada haya ee deegaanka oo sidoo kale ah Wasiir ka tirsan dawladda federaalka.  “Dad badan oo indha indheeya siyaasadda deegaanka waxay aaminsan yihiin in uu hogaamiyay isbadel shacab oo lagaga gudbay marxaladii hore, tusaale ahaan xagga hadalka iyo xoriyadda wadankani soddonkii sano kama jirin, halmar ayuu albabada u furay, waxayna keentay su’aalo badan, wuxuu furay noolashii iyo dhincii dhaqaalihii oo uu yiri shacabka way u siman yihiin ganacsiga, taasi na waxaa laga yabaa in qeyba kale oo masaalix dhaqale laheyd inay ka xanaajisay,” Sidaas waxaa yiri Ibraahim Dheere oo ah guddoomiyahii Jabhadii Xoreynta Soomaali Galbeed.

Ibrahim Dheere ayaa intaa raaciyay in Mustafa uu soo kordhiyay arrimo aan hore uga jirin deegaanka.

Inkastoo aanay si rasmi ah usoo shaac bixin waxa ay isku hayaan labada dhinac ayaa haddana dadka qaar ee fallanqeeya arrimaha siyaasadda waxa ay aaminsan yihiin in la isku hayo cidda qeyb ka noqoneysa golaha fulinta ee xisbiga dowlad deegaanka oo lagu wado in uu dhawaan yeesho shirweyne.

Madaxweynaha Dowlad Deegaanka ayaa tan iyo intii uu xilka qabtay waxaa soo food saaray caqabado badan oo ay ka mid yihiin arrinta isku dhaca qowmiyadaha Soomaalida iyo Oromada, oo uu meel adag ka istaagay, isagoo na horay u sheegay in isbadel uu ka dhacay deegaanka Soomaalida, balse xagga Oromada uusan wax isbadel ah ka dhicin.

Awoodda Xisbiga ayaa u muuqata inay sababtay loollan adag oo u dhexeeya madaxweynaha deegaanka, Mustafa Cagjar, iyo Gudoomiha Xisbiga, Axmed Shide.

Shide waxaa uu ku xiran yahay dowladda federaalka Itoobiya, wuxuuna horay u soo noqday wasiirkii warfaafinta, haatanna waa wasiiraka maaliyadda ee dalka Itoobiya. Waxaa muuqata inuu saameyn badan ku leeyahay siyaasadda deegaanka.

Mustafe Cagjar ayaa la sheegayaa inuu ku dheggan yahay in xubnihii la soo shqeeyay Madaxweynihii hore ee deegaanka, Cabdi Maxamuud Cumar, laga saaro golaha fulinta ee xisbiga.

Waxaan marnaba qorsaooneyneyn in siyaasadda deegaanka aysan marwalba ka marneyn hadba cida heysa talada dalkaa Itoobiya, taa oo dadka qaar ay aaminsan yihiin in madaxweyne Cagjar uu su’aal geliyay, doonaya na in go’aanada siyaasadeed ee Jigjiga ay nqodaan kuwa ka madaxbanaan Addis Ababa, si lamid ah gobolada kale ee Itoobiya, balse waxaa la is-weydiinayaa suurtgalnimada arrintaasi oo aan muddooyinkii dambe looga baranin deegaanka Soomaalida.

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here