Xiisad Shalay Ka Oogantahay Wakiilada Oo Sababtay Xabado Golaha Ka Dhex Dhacay Iyo Xukuumadda Oo Xabsiga U Taxaabtay Xildhibaan Saleban Cali Koore

1
552

Hargeysa (Geeska)-Xarunta Golaha Barlamaanka ayaa shalay wakhti kooban khalkhal gashay, kadib markii khilaaf adag oo lagu sheegay gacan ka hadal uu dhex maray Xildhibaan Saleebaan Cali Koore iyo xildhibaan Baashe Maxamed Faarax, oo loo doortay Guddoomiyaha Golaha Wakiilada.

Baashe iyo Saleban ayaa si adag  ugu loolamay kursiga guddoomiyaha golaha wakiilada, waxaana ugu dambayn taageeradii xukuumadda iyo xisbiga KULMIYE helay Baashe Maxamed Faarax. Taas ayaa la tuhunsanyahay in arrinta shalay dhex martay salka ku haysay.

Dad goob-joog ahaa ayaa sheegay in xildhibaan Koore uu si toos ah u abaaray xafiiska uu fadhiyay Baashe Maxamed Faarax, isagoo markii uu gudaha galayna uu hadalku ka taag-taagmay, waxaana markaas ka dib  mar qudha la maqlay rasaas ka dhacday gudaha golaha, iyadoo ay dabadeed xaruntii golaha wakiilada yimaadeen ciidamo Boolis ah, waxaana wixii intaas ka dambeeyay xabsiga loo taxaabay xildhibaan Koore iyo laba nin oo la socday oo la sheegay inuu mid ka mid ahi yahay ciidan.

Xildhibaan Axmed Maxamed Diiriye (Nacnac) oo goob-joog ahaa ayaa yidhi “Markaan ka soo baxay guddoomiye Baashe xafiiskiisa ayuu iga horyimid Saleban Cali Koore oo uu cunaha I qabtay isagoo aad u cadhaysan, dabadeed xildhibaan Warfaa ayaa iga furfuray, waxaana la socday laba nin oo dhallinyaro ah, Baashe ayuu u galay Koore, dabadeed waxa isku dayay inuu joojiyo raggii Koore la socday askarigii ilaalinayay Baashe, markaas loo diiday inay gudaha galaan ayay raggii Koore la socday xabada rideen.”

Xildhibaan Nacnac wuxuu sheegay inuu arkayay xildhibaan Koore iyo mid ka mid ah raggii la socday oo xabsiga loo taxaabay.

Xildhibaan Abubakar Good oo isna goob-joog ahaa ayaa yidhi “Koore ayaa u galay Baashe, gudaha markuu ugu galay hadalo ayay is dhaafsadeen, waxaana la sheegayaa inay nin Baashe la joogay is af dhaafeen oo ay wax isu gaysteen, Baashe iyo koore iyo dad kale iyadoo ay gudaha ku jiraan  ayaa si ay ka noqotayba nin Koore la socday uu baastoolad uu haystay kor u riday, taas ayaa keentay buuqa.”

Wuxuu Xildhibaankani sheegay in arrinta dhex martay Baashe iyo Koore aanay la xidhiidhin khilaafka ka taagan doorashada guddoomiyaha golaha.

Wasiirka Arrimaha Guddaha Yaasiin Xaaji Maxamuud Xiir (Faratoon), ayaa oo falkan ka hadlay ayaa yidhi “Dalka Dastuur buu leeyahay, Golayaal buu leeyahay, xeerarka ay ku dhisan yihiin nidaam bay leeyihiin, hawlahooda iyo wax-qabadkooda xeerarkooda iyo  xeer hoosaadyada ay u maraan iyo si ay u fuliyaan ayey leeyihiin, markaas arimahaas ayey Golayaashu ku shaqeeyaan, lamana ogola in wixii sidaas ku fula ee sidaas ku shaqeeynaya inay cidina faragelin ku sameeyso, ama fadqalalo, iyo waxaan loo baahayn iyo xasilooni daro ka abuurto,golahani  waxa dhawaan laga doortay Shirgudoon, markii uu is casilay Guddoomiyihii Goluhu, waxa la dooranaayey Guddoomiye cusub, sidii aanu ku daawanaynay ama xeer hoosaadka Goluhu yahay, qaab baa loo doortaa, hab loo maro ayuu leeyahay, waxaanu u arkaynay in qaabkaasi uu ahaa qaabkii saxda ahaa iyo nidaamkii lagu dooran lahaa, oo Doorashadu ku dhici lahayd, uu ku dhacay”.

Wasiirka Arrimaha Guddaha mar wax laga weydiiyey gacan ka hadalka Baashe Maxamed Faarax iyo Saleebaan Cali Koore ayaa ku jawaabay “Anigu markii arintaasi dhacday maan joogin Magaalada ayaan jiray, laakiin Taliyaha Ciidanka Booliska ayaa ii soo sheegay, arin aan la yaabay oo aan ku argagaxay ayey runtii noqotay, waana khalad cidii gacan qaadkaas lahayd, ama hub ay riday ha noqoto ama gacan ay qaaday ha noqoto, cidii geysatay khalad bay sameeysay, muddane ha ahaado, wax kale ha ahaado ama qof caadiya ha noqdo, qof alaale iyo qofkii Golahaas ama rasaas ka riday, ama gacan ka geystay ama dagaal ka geystay, khalad weyn buu ku jiraa”.

Mar wax laga weydiiyey cidda u xidhan arintan ayaa yidhi “Xildhibaan iyo laba nin oo la socday wey xidhan yihiin sida la ii sheegay”.

 

Comments are closed.