Xidigee Sanadka 2018-ka Jabin Kara Saxeexa Ugu Qaalisan Ee Lakala Iibsado?

138
25817

Suuqa kala iibsiga ciyaartoyda bisha January ayaa furan waxaana xili ciyaareed kasta dhamaadkiisa markale dib u furma suuqa kala iibiga ugu wayn ee xagaaga, waxaana sanad walba jira saxiixyo waa wayn oo ay kooxaha Yurub sameeyaan kuwaas oo ciwaanada ugu waa wayn ee saxaafada qabsada. Haddaba wargayska Marca ee caasimada Madrid ka soo baxa ayaa codbixin ka sameeyay xidiga haddii lala kala wareego sanadkan 2018 noqon doona saxiixa ugu fiican ee ay kooxi samayn karto.

Xidigaha codbixintan la galiyay ayaa ka mid ah kuwo ay suurtogal tahay in suuqa bisha January ama suuqa xagaaga ee sanadkan 2018 lagula kala wareegi karo iyada oo codobixintan ay ka soo baxday qiimaynta jamaahiirta kubbada cagta iyo xidigaha ay u arkaan in haddii ay kooxi la wareegi karto ay noqon doonaan saxiixyada ugu fiican sanadkan.Waxaa liiska xidigaha codbixintan la galiyay ka mid ah Alexis Sanchez,Antoine Griezmann, Philippe Coutinho, Harry Kane, Mauro Icardi,Kepa Arrizabalaga, Goncalo Guedes,Mesut Ozil ,Pierre-Emerick Aubameyang iyo Paulo Dybala kuwaas oo dhamaantood laga soo xulay liiska ciyaartoyda suuqa kala iibsiga lagu hadal hayo in lala kala wareegi doono waana kuwa ugu muhiimsan ee mid ka mid ahi haddii lala kala wareego uu saamayn wayn yeelan karo.Laakiin codbixinta uu sameeyay wargayska Marca ayaa si buuxda shaaca uga qaaday in Harry Kane oo ka tirsan kooxda Tottenham uu noqon karo saxiixa ugu fiican sanadkan 2018 ee ay kooxi samayn karto. Boqolkiiba 30% dadkii codbixintan ka qayb galay ayaa Harry Kane ugu codeeyay saxiixa ugu muhiimsan sanadkan ee ay kooxi samayn karto.Haddii sanadkii dhamaaday ee 2017 ay saxiixyadii ugu muhiimsanaa ahaayeen Neymar Jr, Ousmane Dembele iyo Kylian Mbappe waxaa sanadkan la filayaa in liiska ciyaartoyda aan soo sheegnay iyo kuwo kale ay haddaba yihiin bartilmaameedka kooxo waa wayn.Codobxintan uu wargayska Marca sameeyay ayaa dareenka Real Madrid si wayn u qabsan karta iyada oo markii horeba Los Blancos si wayn u doonaysay saxiixa xidiga ree England. Laakiin xidiga ay Barcelona u waalanayso ee Philippe Coutinho ayaa noqday saxiixa labaad ee ugu muhiimsanaan kara sanadkan 2016 iyada oo boqolkiiba 23% uu codkan kaalinta labaad ugu jiro.

Waxyaabaha la yaabka leh ee codbixintan ka soo baxay ayay ka mid tahay in boqolkiiba 2% kaliya dadkii codbixintan ka qayb qaatay ay goolhayaha ay Real Madrid doonayso ee Kepa Arrizabalaga u arkaan saxiix muhiim ah waxaana sidoo kale wax lala yaabo noqotay in min boqolkiiba 2% kaliya loo arkay in saxiixa Mesut Ozil iyo Aubameyang ay sanadkan 2018 muhiim yihiin.Halka Antoine Griezmann iyo Paulo Dybala ay min boqolkiiba 16% heleen codobixitan lagu qiimaynayay saxiixyada ugu muhiimsan haddii la samayn karo sanadkan 2018. Waxaana intaa sii dheer in Mouro Icard oo isna Real Madrid lala xidhiidhinayo uu helay boqolkiiba 3% kaliya in uu saxiixyada ugu muhiimsan ee 2018 noqon karo.Haddaba halkan si buuxda ugaga bogo qaabkii codbixintan loogu go’aamiyay saxiixa ugu muhiimsanaan kara sanadkan 2018 haddiiba ay dhacdo in ay kooxi la wareegto:

1.Harry Kane (30%)

2.Philipp Coutinho (23%)

  1. Paulo Dybala (16%)
  2. Antoine Griezmann (16%)
  3. Pierre-Emerick Aubameyang (3%)
  4. Mesut Ozil (3%)
  5. Alexis Sanchez (3%)
  6. Goncalo Guedes (3%)
  7. Kepa Arrizabalaga (2%)
  8. Mauro Icardi (3%).

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here