Xidigaha Reer Portugal Cristiano Ronaldo Iyo Pepe Oo Dib Ugu Soo Laabtay Tabobarka Kooxdooda

Published on Aug 11 2016 // Ciyaaro, Columnists

nn

 

Labada laacib ee sanadkan kuwada guulaystay Champions League-ga iyo Koobkii Euro 2016 Ronaldo iyo PEPe ayaa si rasmiya ugu soo laabtay xerada tabobarka kooxda Real Madrid. Cristiano Ronaldo iyo Pepe ayaana ugu danbayn ka soo laabtay fasaxii dheeradka ahaa ee la siiyay  maadaama oo ay ciyaareen Finalkii Euro 2016, halka uu Crisitano Ronaldo uu ka shaqaynayo sidii uu ugu soo bogsan lahaa dhaawacii soo gaadhay finalkii Euro 2016 ee xulka qarankiisu ay koobka kaga qaadeen France.

Ugu dambayn macalin Zidane ayaa tababarka kooxdiisa ku soo dhaweeyay Ronaldo iyo Pepe, waxayna haddaba dib u bilawdeen tababarka ay kaga shaqaynayaan in ay ugu diyaar garoobaan xili ciyaareedka cusub.Iyada oo bilawga xili ciyaareedka cusub ee La Ligaha ay ka hadhsan tahay ku dhawaad laba todobaad ayaa haddana la filayaa in Zidane uu sii aamini doono ciyaartoydii UEFA Super Cupka uu kula soo guulaystay isla markaana uu fursad soo kabsasho siin doono xidigaha fasaxa ku soo raagay.

 

 

comment closed

Subscribe to our RSS Feed! Follow us on Facebook! Follow us on Twitter! Visit our LinkedIn Profile!