Xidhiidhka Kubbada Cagta Germany Oo Ku Dhawaaqay Qadarka Lacageed Ee Ay Ciyaartooyada Qaranka Abaal Marinta U Siin Doonaan Koobka Aduunka.

0
3590

 

 

 

Xidhiidhka kubbada cagta Germany ee DFB ayaa si rasmi ah u shaaciyay dhaqaalaha ay ku abaal marin doonaan ciyaartoyda xulka qarankooda marka uu sanadka cusub ee fooda inagu soo haya koobka aduunku uu ka furmo Russia. Xulka qaranka Germany ayaa isku diyaarinaya in ay difaacdaan koobka aduunka ee Brazil ugu soo guulaysteen sanadkii 2014kii.War saxaafadeed ka soo baxay xafiiska maamulka kooxda qaranka Germany ee xidhiidhka kubbada cagta DFB ee Oliver Bierhoff ayaa lagu sheegay qiimaha lacageed ee uu ciyaartoy kastaaba heli doono haddii ay Germany horumar fiican ka sameeyaan tartanka koobka aduunka.Waxaana war saxaafadeedka lagu sheegay in ay arintan u sameeyeen ka hor koobka aduunka si waxa kaliya ee ay ciyaartoydu ka fikirayaan uu u noqdo tartanka iyo sidii ay u difaacan lahaayeen koobka aduunka. Ciyaartoy kasta oo xulka qaranka Germany ka tirsan ayaa heli doona 350,000 kun euros haddii ay difaacdaan koobka aduunka.Sanadkii 2014 kii markii ay kooxda qaranka Brazil ee uu hogaaminayay Joachim Loew ay koobka aduunka ku soo guulaysteen waxaa ciyaartoyda abaal marin ahaan loo siiyay midkiiba 300,000 kun euros balse markan lacagtan ayaa sare loo qaaday iyada oo xidig kastaaba uu heli doono 350,000 kun euros.

 

Ugu horayn lacagtan ayayna ciyaartoyda Germany heli doonin guulaha ay ka gaadhaan heerka Groupyada iyo in ay u soo baxaan wareega 16ka kooxood ee koobka aduunka laakiin marka ay soo gaadhaan sideed dhamaadka waxa uu ciyaartoy kastaaba heli doonaa 75,000 kun oo euros.Haddii uu xulka qaranka Germany soo gaadho afar dhamaadka koobka aduunka waxa uu ciyaartoy kasta oo Germany ahi heli doonaa lacag dhan 125,000 kun oo euros laakiin haddii uu xulka qaranka Germany finalka koobka aduunka guuldaro la kulmi waxay wali ciyaartoyda Germany uu midkiiba heli doonaa 200,000 euros.Haddii uu xulka qaranka Germany uu difaacdo koobka aduunka ee Russia 2018 waxay noqon doonaan xulkii saddexaad ee kaliya ee koobka aduunka difaacday waxaana rekoodhkan haysta Italy( 1934 iyo 1938) iyo xulka qaranka Brazil oo isna koobka aduunka difaacday (1958-1962).Geramany ayaa difaacashada koobka aduunka ka bilaabi doona Group F oo ay kula jiraan Mexico, Sweden and South Korea waxayna markale ka mid yihiin dhawrka xul qaran ee koobka aduunka ugu cad cad.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here